Mesut Ozil Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Ee Europa League

Mesut Ozil ayaa sheegay inuu TV-ga hortiisa ku taageerio doono Arsenal caawa isagoo saadaaliyay in Arsenal ay 4-1 ku badin doonto.

Arsenal ayaa goor dhow la ciyaareysa kooxda Rapid Wien kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka Europa League.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka Ozil ayaan ka qeyb qaadan karin kulankaan madaama laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal u dheeli kara Europa League iyo Premier League.

Ozil ayaa warbixin uu baahiyay shalay oo Arbaco aheyd wuxuu ku dhaleeceeyay kooxda Waqooyiga London ka dhisan isagoo ku eedeeyay inay u la dhaqmeen si aan cadaalad aheyn.

Laakiin caawa waxa uu taageerayaa kooxda Gunners iyagoo doonaya inay guul ku bilowdaan xilli ciyaareedka Europa League.

Xiddiga Jarmalka ayaa Twitter soo dhigay: “Maadaama aan garoonka dhexdiisa ku taageeri karin caawa, waxaan ku taageeri doonaa TV-ga hortiisa anigoo jooga London.

“Maxay tahay saadaashaada kulanka caawa? Waxaan saadaalinayaa 4-1, gooldhaliyayaasha: Sead Kolasinac, Mohamed Elneny, Alexandre Lacazette iyo Nicolas Pepe.”

Ozil ayaa ah xiddigaha ugu waqtiga dheer uguna mushaharka badan Arsenal isagoo isbuucii qaata 350 kun ginni.

Laakiin xiddiga Jarmalka ayaa u muuqda mid aan mar danbe u dheeli doonin Gunners oo uu ku soo biiray sannadkii 2013.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More