Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Barcelona Oo Tababarka

Kooxda Barcelona ayaa war wanaagsan helaysa kahor kulanka adag ee ay Sabtida soo dhawayn doonto kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid kaddib markii uu tababarka kusoo laabtay daafaceeda bidix ee Jordi Alba oo muhiim u ahi.

In lagu daro liiska Barcelona uga qayb galaya kulanka adag ee Real Madrid ayaa ku xidhnaan doonta wadahadala dhex mara ciyaaryahanka iyo tababare Ronald Koeman iyo waliba shaqaalaha caafimaadka ee kooxda.

Sidoo kale Alba ayaa kaga qayb qaadan kara ciyaartaas jawaabta uu ku bixiyo iyo sida uu iskugu muujiyo tababarka berrito ee kooxdiisa oo ah midka ugu dambeeya ee ay iskugu diyaarinayaan ciyaarta.

31 sano jirkan ayuu dhaawac muruqa ahi gaadhay kulankii ay 4-tii bishan October kooxdiisu bar-bardhaca la gashay Sevilla iyadoo la bedelay daqiiqadii 75-aad, Alba ayaa wakhtigaas lagu bedelay Sergino Dest oo tan iyo kulankaas booskiisa sii buuxinayay.

Wakhtigaas Barcelona ayaan wax warbixin caafimaad ah kasoo saarin mudada uu garoomada ka maqnaan doono Jordi balse saddex toddobaad kaddib ayuu u muuqdaa mid soo kabtay.

Ronald Koeman ayaa go’aamin doona haddiiba uu halis gelinayo ciyaarta Sabtida iyadoo ay waliba intaa dheertahay inay kulan kale oo xoogan oo UEFA Champions League ah booqan doonaan Juventus Arbacada soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More