Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Ka Xun Yahay Go’aankii Uu Mesut

Mikel Arteta ayaa qirtay in aanu ku faraxsanayn go’aankii uu Mesut Ozil kaga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-gelaya tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, gaar ahaan marxaladda hormooyinka, laakiin waxa uu ku adkaystay inay qasab ku ahayd inuu qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ka tago maadaama aanu dhamaantood wada qaadan karayn.

Kubbad-sameeyahan reer Germany ee asalkiisu Turkiga yahay ayaan Arsenal u ciyaarin daqiiqad kali ahna tan iyo intii uu xili ciyaareedkii hore ee 2019-20 dib u bilaabmay markii loo joojiyey Korona Fayraska, taas oo ay uga dambaysay in aanu qayb ka noqonin liiska Arsenal ay gudbisay birshan horraanteedii ee ciyaartoyda u dheeli doona tartanka Europa League.

Heshiiska uu Ozil kula jiro Arsenal ayaa soconaya illaa laga gaadhayo July 2021, waxaana laacibkan u dabbaal-degay sannad guuradiisa 32 jirka aanu wax rajo ah ka qaybin inuu qayb muhiim ah ka noqon doono safka Gunners xili ciyaareedkan, iyadoo ay dhinaca kalena kooxdu ka fikirayso sidii ay uga saari lahayd Emirates Stadium ee heshiiskiisu uu meesha uga bixi lahaa.

Mikel Arteta oo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka Man City ee Sabtida ayaa wax laga weydiiyey sababta uu Ozil uga saaray liiska kooxdiisa, waxaanu ku jawaabay: “Isagu maaha ciyaartoyga kaliya ee ka maqan kooxda.

“Dhab ahaantii wuxuu ahaa go’aan igu adkaa, sababtoo ah in ciyaartoy heerkaas ah laga saaro kooxda oo ay iyaguna og yihiin in aanay qayb ka noqonayn, dhab ahaantii way adag tahay.

“Ma jecelayn inay sidaasi dhacdo, laakiin waxay ahayd in go’aan la qaado sababtoo ah ciyaartoyda ajaanibka ah ee aanu haysanay ayaa xad-dhaaf ah. Nasiib-darro, waxay noqotay in aanu go’aankaas qaadano.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More