“Mikel Arteta Wuu Guul-darraystay e, Waxay U Baahan Yihiin Qof Wajiga

Halyeygii hore ee Arsenal ee Martin Keown ayaa sheegay in ciyaartoyda kooxdaasi u baahan yihiin qof wajiga ka feedha, si ay hurdada uga kacaan kaddib kulankii xalay ay kooxda Slavia Prague waqtigii dhimashada ku qabatay barbarraha.

Gunners ayaa lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League, waxay xalay kula ciyaartay Emirates Stadium, waxaana daqiiqaddii 86aad ay qabatay hoggaanka kaddib gool uu u dhaliyey Nicolas Pepe oo beddel kusoo galay, laakiin garsooraha oo afka ku haya siidhiga dhamaadka ciyaarta, ayuu Tomas Holes goolka barbarraha ka dhaliyey, halkaana waxa ku dabbaal-degtay kooxda reer Czech.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu fursado badan iska khasaarisay, waxaanay dhashan karayeen goolal tiro badan ka hor intii aanay qaladaadka difaac samaynin dhamaadkii.

Martin Keown oo difaaca uga ciyaari jiray Arsenal ayaa ka cadhooday qaab ciyaareedka kooxda, waxaanu tilmaamay in ay u baahan yihiin qof wajiga ka feedha.

Isagoo ka hadlayay telefishanka BT Sports, waxa uu Martin Keown yidhi: “Waxaan filayay in ay tahay habeenkii Arsenal, sida ay u ciyaarayeen. Laakiin way iska fadhiisteen, waxaanay doorteen taatiko qaldan.

“Arteta beddel ayuu sameeyey qaybtii dambe, laakiin may arki karaynin iyagoo soo baxay.”

Intaas kaddib ayuu sheegay in ay u baahan yihiin in wajiga laga feedho, waxaanu yidhi: “Waxay u baahan yihiin qof wajiga ka feedha.”

Karen Carney oo iyaduna ciyaartan la falan-qaynaysay Martin Keown ayaa Mikel Arteta ku tilmaantay tababare guul-darraystay, waxaanay soo qaadday in xataa mustaqbalkiisu uu halis ku jiro.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More