Mohamed Salah Oo Ku Cadhooday Saxeexii Cusbaa Ee Liverpool Ee Iyo

Mohamed Salah ayaa cadho darteed gacmaha saysay xili ay kooxdiisu ku jirtay tababarkii maanta oo Sabti ahayd, waxaanay arrinta uu ka xaqaanay sababay saxeexa cusub ee Liverpool xagaagan lasoo saxeexatay ee Ibrahima Konate.

22 jirkan Muslimka ah ee Ibrahima Konate ayay isku koox ahaayeen Mohamed Salah iyadoo tababarka kooxdana loo qaybiyey laba, waxaana kooxda ay labadan ciyaartoy ku wada jireen kubbad lasoo dhex-cararay difaaca reer Cameroon ee Joel Matip oo kasoo laabtay dhaawac, kaas oo si fudud uga dhaliyey gool.

Konate oo ay Liverpool kasoo bixisay 36 milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay RB Leipzig xagaagan, ayaa ku fashilmay in uu joojiyo Matip markii uu dhalinayay goolka, taasna waxay keentay in Salah uu ka cadhoodo oo uu waliba dareenkiisa qarsan kari waayo.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la sheegay inuu aad ula dhacsanaa Konate iyo bandhiggii uu sameeyey intii ay kooxdu ku jirtay tababarka oo usbuucii hore ay ka bilaabeen waddanka Austria.

Kabtan ku-xigeenka Liverpool ee James Milner ayaa ka hadlay sida ay ciyaartoyda Liverpool u arkaan Ibrahima Konate iyo bandhiggii uu sameeyey illaa hadda, waxaanu yidhi: “Waa ciyaartoy aad u wanaagsan. Waxa uu u muuqdaa difaac dhexe oo sugan! Aad ayuu u xooggan yahay, wuxuu ku fiican yahay kubadda, waxaanu sidoo kale ku fiican yahay boos qaadashada difaacista.

“In badan tababarka kuma aanan arag, laakiin waxyaabo yaryar oo uu sameeyey ayaa iskood isku muujiyey.”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More