Muxuu Ahaa Qoddobkii Sirta Ahaa Ee Ay Liverpool Ku Dartay Heshiiskii

Markii ay Liverpool dhigeeda ree Spain ee Barcelona ka aqbashay heshiis 140 Milyan oo pound ku qiimaysnaa oo ay Philippe Coutinho kaga iibisay sanadkii 2018, waxa ay ku dartay qoddobo dhawr ah kuwaas oo qudhooda ay ku xidhan yihiin shuruudo lacag ahi.

Mid kamida qoddobadaas ayaa la ogaaday sanadkii hore waxaana uu ahaa in Liverpool ay 17 Milyan oo pound ka qaadi doonto Barca haddiiba uu Coutinho 100 kulan u ciyaaro kooxdaas.

Haatan xiddiga ree Brazil ayaa kaliya 10 kulan u jira inuu boqol kulan u ciyaaro Barcelona balse xaqiiqada ah inuu dhaawac ku seegayo inta xilli ciyaareedka ka dhiman iyo inay Barcelona doonayso inay iibiso xagaaga ayaa lacagta gunada ah seejin karta Liverpool.

Barcelona ayaa ku qasbanaatay inay lacag 4 Milyan oo pound ah siiso Liverpool kaddib markii uu Philippe kooxdeeda 25 kulan kasoo muuqday halka uu qorshuhu ahaa inay lacago kale oo badan bixiso haddiiba uu ka caawiyo kooxda inay ku guuleysato Champions League.

Si kastaba, agaasimaha ciyaaraha Reds ee Michael Edwards ayaa qoddob kale oo qarsoodi iyo sir ahaa isla markaana aan hore loo ogayn ku daray heshiiskii ay Coutinho kaga gadeen kooxda Camp Nou ka ciyaarta.

Qoddobkaas ayaa ahaa mid Blaugrana ka mamnuucayay inay wax ciyaartoy ah oo Liverpool ka tirsan iibsan karto ilaa suuqa xagaaga ee sanadkan 2021.

Heshiiskaas ayaa ah mid dhacaya xagaaga sanadkan taas oo ka dhigan in suuqa soo socda ay Barca damci karto xiddigaha Anfield ka ciyaara.

Sababta uu suuqani u yahay mid aysan Liverpool wax cabsi ah ka dareemi doonin dhinaca Barcelona ayaa ah saamaynta dhaqaale ee xanuunka Korona Fayras kaas oo kahor istaagi kara Barca inay wax saxeex ah oo weyn samayso.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More