Muxuu Kevin De Bruyne U Sheegay Riyad Mahrez Ka Hor Intii Tuurin

Kevin De Bruyne ayaa u ogolaaday Riyad Mahrez in uu qaato laadkii xorta ahaa ee uu goolka u beddelay xiddiga reer Algeria ee uu hoggaanka ugu dhibay Metropolis kulankii xalay ay 2-1 kaga badiyeen PSG.

Manchester Metropolis oo qaybtii hore laga fursado badnaa ayaa markii laga soo noqday waqtiga kooban ee nashasada, waxay lasoo gashay dardar iyo ciyaar cusub, taas oo keentay in PSG  ay kala daadato, kubbad na isku dhiibi weydo.

De Bruyne ayaa goolka barbarraha ku dhaliyey kubbad nasiib ahayd oo uu la doonayay in asxaabtiisu ay madax ku qabtaan.

Shan daqiiqadood oo kaliya kaddib ayaa Metropolis lavatory qabtay qalad, waxaana kubadda soo wada dul istaagay Kevin de Bruyne oo ah laacibka inta ugu badan qaata kubbadaha laadka xorta ah iyo Riyad Mahrez, waxaanay xoogaa ku wada dul hadleen kubadda dusheeda, waxaana toogashada lavatory daayey Mahrez oo dhaliyey.

Kevin De Bruyne oo ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyey wixii uu u sheegay Riyad Mahrez ka hor intii aanu kubadda laadin, waxaanu yidhi: “Wuxuu i weydiistay haddii uu isagu qaadan karayo, aniguna waxaan ku idhi: ‘Haddii aad  naftaada ku kalsoon tahay, qaado.’

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa kooxdayda, waanu dhaliyey goolka, markaa maxaan ka odhan karaa taas?”

Kevin De Bruyne oo ahaa kabtanka kooxda ee kulankii xalay maadaama uu kaydka fadhiyey Fernandinho, waxa uu qiray in ciyaartu laba qaybood ahayd oo ay labada kooxood mid mar wanaagsanayd.

“Waxay ila tahay in ciyaartu laba qaybood ahayd. Si fiican ayaanu ku bilaabanay 10kii daqiiqadood ee ugu horreeyey, waananu maamulaynay laakiin PSG waxay ahayd koox aan la malayn karaynin oo haysatay ciyaartooyo tayadoodu sarrayso oo afka hore uga ciyaarayay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More