Muxuu Yahay Rekoodhka Weyn Ee Uu Cristiano Ronaldo Kasoo

Kooxda difaacanaysa tartanka ugu xiisaha badan Yurub ee UEFA Champions League ee Bayern Munich ayaa ololaha ay ku difaacanayso tartankaas caawa ka bilaaban doonta garoonkeeda Allianz Arena iyagoo qaabilaya Atletico Madrid.

Kulanka ayaa si gaar ah isha loogu hayn doonaa laba kamida weeraryahanada ugu wanaagsan dunida oo kala ah Robert Lewandowski iyo Luis Suarez oo iska hor imanaya.

Lewandowski ayaa ah mid rekoodh weyn oo taariikhi ah mudo lix sano ahna kasoo jiray Champions League caawa jabin kara isagoo waliba kaliya hal gool u baahan si uu mid cusub u sameeyo.

Haddiiba uu mashiinkan goolasha ee Polish-ka ahi awoodo inuu hal gool dhaliyo ayuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee 10 kulan oo Champions League gaar ahaan heerka Group-yada ah si xidhiidh ah goolal uga dhaliya.

Ciyaaryahanka haatan rekoodhkaas haysta ayaa ah weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo sagaal kulan oo xidhiidh ah oo wareega Group-yada ah goolal kasoo dhaliyay intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2014.

Bayern ayaa ah mid xilli horeba haysata rekoodhka ah kooxda guulaha ugu badan ee xidhiidh ah Champions League ka gaadhay iyagoo ku haysta rekoodhkaas 11 kulan oo ay xidhiidh u adkaadeen.

Sidaas si lamid ah Bavaria ayaa sidoo kale ah kooxdii ugu horreysay ee abid dhammaan kulamada ay ka ciyaarto tartankan guuleysata koobkana qaada iyagoo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii hore walow wareegyada siddeeda iyo afar dhammaadka ay min hal kulan ciyaareen.

Xaqiiqada ah in kulankii ay ku qaadeen koobka iyo midkooda caawa ay u dhaxeeyaan kaliya 26 maalmood ayaa ka dhigan inay adkaan doonto inay bandhiga ugu fiican markale heerka ugu sarreeya kusoo bandhigaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More