Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Ronald Koeman Oo Soo Saaray Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka

Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska kooxdiisa Barcelona adag ee Sabtida berri ay safarka ugu tegayaan Getafe, taas oo ay u baahan yihiin inay ku soo laabtaan jidka guusha kaddib barbarrihii ay ciyaartii ugu dambaysay la galeen Sevilla.Tababaraha reer Netherlands ayaa shaaciyey magacyada 23ka ciyaartoy ee kulanka Getafe, waxaana ku jira difaaca bidix ee Junior Firpo oo helay ogolaanshaha dhakhaatiirta kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac, waxaana soo laabashadiisu ay meesha ka saartay da’yarka Konrad de la…

Musiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Sii Socota Iyo Xiddig

Real Madrid ayaa ku dhex jirta mashaqo dhaawacyo ah, waxaana Jimcihii maanta la xaqiijiyey in kulanka Sabtida ee Cadiz uu seegi doono laacibka khadka dhexe ee Martin Odegaard.Da’yarkan reer Norway oo qayb weyn kasoo qaatay kulamadii Real Madrid ee xili ciyaareedkan, isla markaana doorasho fiican oo hal abuur leh u ahaa Zinedine Zidane ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay kulan uu waddankiisa u ciyaaray Arbacadii oo ay guul weyn ka gaadheen Northern Ireland.Odegaard ayaa laba gool caawiyey ciyaartii qarankiisa ee  Arbacadii kuwaas…

Manchester United Oo Sannad Ku Kordhisay Heshiiska Paul

Manchester United ayaa dhaqan gelisay 12 bilood oo kale oo ay ku kordhisay heshiiska ay kula jirtay laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba, kaas oo sii joogi doona Old Trafford illaa June 2022.Sida uu dhigayay heshiiskii ay Manchester United sannadkii 2016kii kula soo wareegtay Pogba, shanta sannadood ee heshiiskiisa ee hadda midkii ugu dambeeyey uu socdo ayaa waxay United awood u lahayd inay sannad kale oo lixaad ku kordhin karto haddii ay ku qanacdo, taas oo ay hadda si rasmi ah u go’aansatay inay dhaqan-geliso.Paul Pogba…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Liverpool Kala Hortagi Doonto

Jurgen Klopp ayaa dib ugu soo dhaweyn doona shaxdiisa xiddigaha kala ah Thiago Alcantara, Sadio Mane iyo Joel Matip kulanka ay Liverpool berri oo Sabti ah u safreyso kooxda Everton.Thiago iyo Mane ayaa seegay kulankii ay Reds guuldarada 7-2 ka soo gaartay Aston Villa ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.Si kastaba, ka dib markii ay dhamesyteen labada nin karantiilkooda waxay dib ugu soo laabteen tababarka ka hor kulanka Goodison Park.Waxay u badan tahay inuu shaxda kula soo biiri doono Jordan Henderson kaasoo ka…

Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Markii Ugu Horeysay Tan Iyo

Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay inuu aad u fiican yahay ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.Ronaldo ayaa Instagram Live kula hadlay taageerayaashiisa isagoo yiri:“Wax calaamado ah igama muuqdaan. Waan fiicanahay, si fiican ayaana u hurdaa.“Qoyskeyga waxay joogaan dabaq kale oo guriga ka tirsan, iskuma soo dhawaano.”Ronaldo ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay wasiirka isboortiga Talyaaniga Vincenzo Spadafora kaasoo sheegay inuu aaminsan yahay in 35 jirkaan uu jabiyay sharciga xakameynta cudurka Korona…

Labo Xiddig Oo Ka Tagay Liverpool Saacad Ka Hor Inta Uusan

Kooxda Blackpool ayaa ku dhawaaqday inay heshiis amaah ah kula wareegtay xiddiga Liverpool Ben Woodburn.Xiddiga reer Wales ayaa ku biiray kooxda Blackpool isagoo la joogaya ilaa iyo 17ka bisha Janaayo ee sannadka soo socda.Woodburn ayaa yiri: “Isha ayaan ku hayaa inaan mar kale kubad ciyaaro. Tababare Neil Critchley saameyn weyn ayuu igu yeeshay intii uu joogay Liverpool, si fiican ayuu ii garanayaa ciyaaryahan ahaan.“Waxaan rajeynayaa inaan xiriir fiican yeelan doono oo aan mar kale guulo wada gaari doono.”Dhanka kale…

Barcelona Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Weeraryahan Weyn Oo

Barcelona ayaa ku guuldareysatay xagaagan inay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Lyon Memphis Depay madaama ay awoodi waayeen mushaharkiisa sababo la xiriira dhaqaale xumada ay kooxda ku jirto.Laakiin waxay heshiis kula gaareen kooxda Lyon inay ciyaaryahanka la wareegayaan bisha Janaayo markaasoo qandaraaskiisa kooxda Faransiiska ay uga harsanaan doonto kaliya lix bilood.Sababta ay Barcelona u dooratay inay Memphis Depay u la soo wareegto bisha Janaayo ayaa ah in waqtigaas uu Koeman iibin karo mid ka mid ah xiddigaha uu u…

“Neymar Waa Doqon Dhab Ah” Daafac Dhulka La Galay Neymar JR

Daafaca xulka qaranka Peru ee Carlos Zambrano ayaa banaanka keenay sida uusan ula dhacsanayn weeraryahanka xulka Brazil ee Neymar JR kaddib kulankii isreeb-reebka koobka aduunka ee ay labada dal wada yeesheen Salaasadii.Brazil ayaa guul 4-2 ah ka gaadhay Peru xilli xulka Samba uu natiijo dib u dhac ah laba jeer kasoo laabtay iyadoo uu saddexley goolal ah oo laba rigoorayaal yihiin dhaliyay Neymar.Kulankan oo ahaa ku celiska Final-kii Copa America ee sanadkii hore ayay markale Brazil garaacday Peru, goolasha uu soo dhaliyay…

Messi-ga Carbeed Ee Said Benrahma Oo Ku Dhacay Tijaabada

Ciyaaryahanka garabka weerar ee kooxda Brentford iyo xulka qaranka Algeria ee Said Benrahma ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay tijaabada caafimaadka oo uu u marayay kooxda Premier League ee West Ham United.Said ayaa qarka u fuushanaa inuu Hammers ku biiro maanta oo ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga ee gudaha England balse qandaraaska 25-ka Milyan ee Pound ah ee uu London Stadium kaga degayay ayaa halis ku jira.Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mirror oo ah midka xogtan laga helayaa, dib u dhaca ah in Benrahma…

Liverpool, Real Madrid Mise Barcelona? Heshiiska Kylian

Heshiiska da’yarka weerarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid lagu kala guuleystay xilli ay doonayeen kooxo laga xusi karo Liverpool, Barcelona iyo Real Marid.Sida ay sheegayaan xogo cusubi, kooxda booska ugu wanaagsan u joogta saxeexa Kylian ayaa ah Real Madrid, madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez ayaa bar-tilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay Mbappe isaga oo dejiyay  qorshihii uu kooxaha kale kaga adkaan lahaa.Sida lagu sheegay wargeyska Spain kasoo baxa ee AS, Mbappe ayaa doonaya inuu ku biiro Real…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More