Qish Laga Helay Waqtiga Ay Manchester United Dhamaystirayso Saxeexyada

Manchester United ayaa kusii dhowaanaysa saxeexyada labada ciyaartoy ee diiraddoodu saaran tahay ee Raphael Varane iyo Kieran Trippier, kuwaas oo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ka dhigtay bartilmaameedkiisa ugu weyn kaddib heshiiskii Jadon Sancho.

Warar laga helay Faransiiska ayaa sheegay in Manchester United ay heshiis shaqsi ah la gaadhay difaaca reer France ee Raphael Varane, sidoo kalena aanu farqi weyni u dhaxaynin Real Madrid oo marka horeba diyaar u ahayd inay iibiso laacibkan maadaama uu qandaraaskiisa sannad kali ahi ka hadhsan yahay.

28 jirkan ayaa dhinaciisa ka bixiyey qish la xidhiidha inuu doonayo inuu ku biiro United, laakiin qiimaha Real Madrid ku xidhay iibkiisa oo ah £50 milyan oo Gini ayay United dareensan tahay inay qaali tahay maadaama sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskisa oo sannad kaddiba ay bilaash ku heli karayaan.

Kieran Trippier ayaa isagana ay Manchester United kula jirtaa wada-hadallo inkasta oo aanay horumar uga samaynin sida Real Madrid oo kale.

Laacibkan ayuu Solskjaer doonayaa inuu ku xalliyo dhibaatada difaaca isla markaana uu marna ka ciyaarsiiyo dhinaca bidix marna dhinac midig ee dabiici ahaan uu ka dheelo.

Haddii ay United ku guuleysato saxeexa labadan ciyaartoy, waxay amaah ku bixin doontaa Alex Telles oo ay xiisaynayaan AC Milan iyo Inter Milan, kaas oo xataa ay iibkiisa diyaar u noqonayaan, sidaas oo kalena waxa ah Diogo Dalot oo amaah ku maqnaa, halka Alex Tuanzebe uu isaguna amaah ku bixi doono.

Si kastaba, warbaahinta Ingiriiska, gaar ahaan wargeyska Daily Mail ayaa sheegay, in Manchester United ay toddobaadkan hadda socda gudihiisa dhamaystiri doonto saxeexyada labadan ciyaartoy.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More