Rangers Oo Cashar U Dhigtay Real Madrid, Nacho Oo Casaan Qaatay Iyo

Real Madrid ayaa guul-darro kala soo kulantay safar ay ku tagtay magaalada Glasgow ee Scotland oo ay ciyaar saaxiibtinimo marti ugu ahayd kooxda Rangers ee uu tababaraha u yahay halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard.

Tababare Carlo Ancelotti ayay kooxdiisu shalay gaadhay Scotland iyadoo ay ka maqan yihiin dersin ka mid ah ciyaartoydeeda waaweyn, sida Luka Modric, Kroos, Benzema, Varane, Mendy, Vinicius, Militao, Casemiro iyo kuwo kale.

Los Blancos ayaa waqti hore la timid gool uu u dhaliyey da’yarka reer Brazil ee Rodrygo Goes oo daqiiqaddii siddeedaad ee bilowga ciyaarta saxeexay goolka Real Madrid, hase yeeshee masii waarin goolkaasi, waxaana qaybtii dambe laga dhaliyey laba gool, halka uu kaadh casna kaga baxay Nacho Fernandez oo laba kaadh oo digniin ah qaatay.

Shaxdii labada kooxood

Real Madrid XI: Lunin, Nacho, Marcelo, Vazquez, Jovic, Odriozola, Odegaard, Isco, Rodrigo, Blanco, Chust.

Kaydka: Lopez, Fuidias, Marvin, Arribas, Morante, Gila, Miguel, Dotor.

Rangers XI: McGregor, Tavernier, Goldson, Helander, Barisic, Davis, Lundstram, Wright, Hagi, Kent, Sakala.

Kaydka: McCrorie, Bassey, Itten, Simpson, Patterson, Kamara, Jones, Balogun, Kelly, Arfield, Middleton.

Taariikh weyn ayaa qorantay ka hor intii aanay ciyaartuba bilaabmin ee ay ciyaartoyda labada kooxood soo galeen garoonka. Real Madrid ayaa diiwaanka gashatay in ay ku ciyaartay Ibrox Stadium markii ugu horreysay tan iyo 1963kii, waxaana ciyaartaas oo ahayd tartankii la odhan jiray European Cup 1-0 ku badisay Real Madrid oo uu goolka madiga ahaana u dhaliyey Ferenc Puskas. Lugtii labaad ee la iskugu tegay Santiago Bernabeu na waxa 6-0 ku badisay Real Madrid.

Rangers ayaa ku bilaabatay dardar iyo ciyaar orod ku dhisnayd, waxaanay saddexdii daqiiqadood ee ugu horreeyey goolka Real Madrid ku ekeeyeen weerarro halis ahaa, iyadoo uu khatarta badanna sameeyey Sakala oo kubbad halis ahayd ku qabtay goolka balse bannaanka u saaray.

Daqiiqaddii siddeedaad ayay mar kale Rangers halis gelisay goolka Madrid. Lundtram ayaa kubbad dhinaca midig ugu dhiibay Tavernier oo isaguna karoos kusoo dhex-tuuray, hase yeeshee Odriozola ayaa badbaadiyey.

GOOOOAAAAALLL!!! Real Madrid ayaa weerar degdeg ah oo ay kusoo qaadday Rangers waxay ku dhalisay goolkeedii koowaad ee Ibrox Stadium tan iyo 1963kii. Kubaddii uu iska soo difaacay Odriozola ayaa waxa helay Martin Odegaard oo hore ula soo dhaqaaqay, kaddibna u dhiibay Rodrygo oo ula tegay goolhaye McGregor, kuna hubsaday shabaqa.

Rangers ayaa intaa wixii ka dambeeyey iska  yeelatay ciyaarta, waxaanay Real Madrid ku qasbeen in ay goolka dabada geliyaan iyagoo kubbado halis  ahaa si fudud ula tegayey xerada ganaaxa.

Fursado badan ayay qaybtii hore iska lumiyeen Rangers oo siday doonto ka yeeshay Real Madrid, hase yeeshee waxay ku nasteen iyagoo gool lagu leeyahay.

Rangers waxay qaybtii hore goolka toogatay 17 jeer halka Real Madrid ay hal toogasho oo kaliya samaysay, inkasta oo ay haddana Madrid kubbad haynta ku badnayd.

Carlo Ancelotti ayaa ciyaarta ka saaray Luka Jovic oo maqane jooga ahaa oo qaybta dambe aan kusoo laabanin, waxaase wali halkiisii kasii socday weerarka daadka ahaa ee Rangers.

Daqiiqaddii 55aad ayay Rangers heshay goolka barbarraha oo uu u saxeexay Sakala oo u qalmayay in uu qaybta horeba goolal dhaliyo. Kubbad uu kasoo shaqeeyey Kamara, meelna iska soo saaray Vazquez ayuu u dhiibay Sakala oo isaguna dhaafiyey goolhaye Lunin.

Real Madrid ayaa toban ciyaartoy noqotay daqiiqaddii 76aad, markaas oo kaadhkii labaad ee digniinta ahaa la siiyey Nacho oo qalad ku galay Kamara, waxaana sidaas lagaga saaray ciyaarta.

Rangers ayaa daqiiqaddii 77aad iyadoo aanu wali Nacho dabada dhulka saarin waxay dhalisay goolkeeda guusha oo uu u saxeexay Itten.

Tababare Steven Gerrard ayay u ahayd habeen farxadeed oo uu u bogay safkiisa oo siday doonaan ka yeelay Real Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More