RASMI: Magacyada Afarta Tababare Ee Ku Tartami Doona Abaalmarinta

Maamulka horyaalka Premier League ayaa soo xulay afarta tababare ee ku tartami doona abaalmarinta macalinkii ugu wanaagsanaa horyaalka bishan May ee uu soo dhammaaday tartanku.

Afarta tababare ayaa kala ah Mikel Arteta oo Arsenal ah, Jurgen Klopp oo Liverpool ah, macalinka Leeds ee Marcelo Bielsa iyo midka West Ham United ee David Moyes.

Arteta ayaa afar kulan oo uu Arsenal horyaalka layliyay bishan May dhammaantood soo guuleystay waxaana kamid ahaa laba kulan oo Derby ah oo kala ahaa Crystal Palace iyo Chelsea.

Marcelo Bielsa ayaa ayaa shan kulan oo uu isaguna Leeds United hoggaamiyay afar guulood iyo hal guuldarro kala soo kulmay waxaana kamid ahayd guul 3-1 ah oo ay Tottenham ka gaadheen.

Jurgen Klopp ayaa isaguna shan kulan oo uu Liverpool hormood u ahaa bishii May dhammaantood shan guulood kasoo gaadhay, guul 4-2 ah oo uu Man United kaga soo helay Old Trafford ayaa ugu muhiimsanayd.

Ugu dambayn, David Moyes ayaa isaguna shan kulan oo uu Hammers soo horkacay bishii May saddex guulood, hal bar-bardhac iyo hal guuldarro lasoo gaadhay isaga oo u rumeeyay hammiga ah inay Europa League ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More