RASMI: Real Madrid Oo Shaacisay Xiddigaheeda Kulanka El Clasico Ee

Zinedine Zidane ayaa shirkii jaraa’id ee maanta waxa uu ku bixiyey digniin, isagoo tilmaamay in aanu xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ku daraynin liiska xiddigihiisa kulanka El Clasico ee Barcelona ay ku martigelinayaan Estadio Alfredo Di Stefano habeen dambe.

Hazard oo tababarka la qaadanayay ciyaartoyda kooxdiisa maalmihii ugu dambeeyey ayaa filayay in uu qayb ka noqon doono xiddigaha Los Blancos ee ciyaartan muhiimka ah, laakiin Zidane ayaa hoosta ka xariiqay in aanu soo qaadanayn illaa inta uu si buuxda usoo kabanayo, si looga baaqsado in mar kale uu dhaawac soo gaadho.

Laacibkan ayaa laga doonayo in uu jidh ahaann isku dhiso, taam ahaanshihiisana ka shaqeeyo isagoo tababarka si adag u qaadanaya, markaasna uu qayb ka noqon doono kooxda

Zidane ayaa sidoo kale aan liiska kooxdiisa ee ciyaarta Barcelona kusoo darin kabtankiisa Sergio Ramos oo dhaawac ah iyo difaaca reer France ee Raphael Varane oo uu ku dhacay Korona Fayras. Waxa kale oo ka maqan Dani Carvajal oo sida Hazard oo kale tababarka kusoo laabtay laakiin taam ahaansho buuxa aan helin.

Xiddiga da’da yar ee Sergio Aribas ayaa uu Zidane ka reebay liiska xiddigaha kooxda, waxaanu da’yarkani ku laaban doonaa kooxdiisa da’yarta ee uu tababaraha u yahay Raul Gonzalez oo uu usbuucan u ciyaari doono.

Liiska xiddgaha Real Madrid ee kulanka El Clasico ee Barcelona

Goolhayaha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More