RASMI: Real Madrid Oo Soo Bandhigtay David Alaba & Lambarka Maaliyada

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay saxeexeeda cusub ee David Alaba oo si xor ah ay ugala soo wareegtay Bayern Munich oo uu u icyaarayay illaa yaraantiisii.

Laacibka reer Austria ayaa xidhan doona lambarkii uu banneeyey kabtankii hore ee Real Madrid ee Sergio Ramos, kaas oo warbaahinta loosoo bandhigay isagoo la guddoonsiiyey, isla markaana uu madaxweyne Florentino Perez gacanta ka saaray.

No.4 ayaa markii ugu horreysay uu xidhanayaa ciyaartoy aan ahayn Sergio Ramos, sababtuna waxay tahay in sharciga horyaalka Spain uu qasab ka dhigayo in ciyaartoyda kooxuhu xidhaan lambarrada u dhexeeya 1 illaa 25, haddii aanay ku diiwaangashanayn ciyaaryahannada kooxda da’yarta, taas oo ka dhigan in lagu qasbnaa in lambarkii Ramos la xidho.

Alaba oo ka mid ah ciyaartoyda ugu khibradda badan ee difaaca, dhawr boos oo kala duwanna ka ciyaara ayaa laga sugayaa in uu kasoo baxo masuuliyadda iyo culayska lambarka loo xidhay oo uu banneeyey hoggaamiye ruuxi ah oo guulo badan la gaadhay kooxda sannadihii uu joogay.

Real Madrid ayaa la filayaa in isbedello kale oo dhinaca lambarada ahi ku yimaaddaan gaar ahaan khadka dambe ee difaaca oo la filayo in uu ka tago Raphael Varane oo lala xidhiidhinayo Manchester United, taas oo haddii ay dhacdo ay macquul tahay in Eder Militao uu u guuro No.5.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More