RASMI: Seddex Xiddig Oo Muhiim U Ah Manchester United Oo Min Hal Kulan

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer waxaa ganaax kaga maqnaan doona seddex xiddig oo muhiim ah kulanka lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Europa League ee ay todobaadka danbe la ciyaari doonaan Granada.

Tababaraha Reds ayaa arkay daafaca dhexe Harry Maguire, daafaca bidix Luke Shaw iyo xiddiga khadka dhexe Scott McTominay oo dhamaantoo calaamada jaalaha qaatay kulankii ay 2-0 ku badiyeen.

Caalamadaha digniinta ay qaateen seddexda xiddig ayaa la micno ah inay ganaax ku seegayaan kulanka lugta labaad ee Old Trafford.

Waxayna la micno tahay in tababare Solskjaer uu wajihi doono dhibaato daafac kulanka Old Trafford ee Khamiista danbe.

Eric Bailly ayaa caadiyan ay ahaan laheyd inuu ka garab ciyaaro Victor Lindelof laakiin xiddiga reer Ivory Coast waxaa ku dhacay Korona Fayras waqtigii ciyaaraha caalamiga.

Lama oga waqtigii laga helay cudurka Koronaha iyo waqtiga loo ogolaan doono inuu dheelo mar kale.

Waxay taasi keeni kartaa in Solskjaer uu soo xusho Axel Tuanzebe kaasoo kaliya hal kulan ku soo bilowday xilli ciyaareedkan oo dhan.

Phil Jones ayaa isna la soo hadal qaaday inuu dheeli karo laakiin daafaca Ingariiska uma dheelin Man United tan iyo bishii Janaayo 2020 sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray jilibka.

Taas bedelkeeda waxaa laga yaabaa in Solskjaer uu isku shaandheyn ku sameeyo shaxdiisa ama inuu daafac ka dheelsiiyo Nemanka Matic taasoo adkaan doontaa madaama McTominay uu ganaax ku maqan yahay.

Alex Telles oo aan inta badan ciyaarin tan iyo markii uu ka soo wareegay FC Porto ayay u badan tahay inuu buuxin doono booska Luke Shaw.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More