RASMI: Xulka Qaranka Brazil Oo Gaarey Tokyo & Dani Alves Oo Durbaan

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Brazil ayaa gaadhay magaalada Tokyo ee waddanka Japan oo ay kaga qayb-gelayaan tartanka ciyaaraha Olombikada adduunka oo bishan bilaabmaya, waxaana hormood u ahaa halyeyga difaaca ee Dani Alves oo ay da’diisu tahay 38 jir.

Alves ayaa lagu soo daray ciyaartoyda xulka Brazil ee ka qayb-gelaya tartankan, waxaana uu ka degay garoonka diyaaradaha isaga oo gacanta ku sita durbaan uu ku madadaalin doono ciyaartoyda, kaas oo waqtiyada ay ciyaarayaana ay maqli doonaan.

38 jirkan oo ka ciyaara gudaha waddankiisa, walina bandhig heersare ah samaynaya ah ciyaartoyga ugu da’da weyn ee dalkiisa kala qayb-gelaya tartankan.

Xiddigaha xulka oo ay sidoo kale ku jiraan ciyaartooyo caan ah sida Richarlison, Gabriel Martinelli, Douglas Luiz iyo Diego Carlos ayaa waxay u Brazil u dagaallami doontaa sidii ay ugu guuleysan lahayd koobkii ay sannadkii 2016kii ku qaadday magaalada Rio de Janeiro ee Brazil.

Durbaanka uu sitay Dani Alves ayaa waxa laga isticmaalaa gobolka uu ku dhashay ee Bahia, waxaanay inta badan dadku caan ku yihiin tumistiisa.

Brazil ayaa waxay ku jirtaa hormo adag oo ay ku midaysan yihiin afar dal oo afar qaaradood kasoo kala jeeda, kuwaas oo aanay jirin mid lagu tilmaami karo inuu fudud yahay marka laga reebo Saudi Arabia.

Group D oo ay Brazil hoggaaminayso ayaa waxa ku wehelinaya Germany, Ivory Coast iyo Suadi Arbia.

Isku-aadka tartanka Olambikada ee kubadda cagta ragga:

Group A: Japan, South Africa, Mexico, FranceGroup B: New Zealand, Korea Republic, Honduras, RomaniaGroup C: Egypt, Spain, Argentina, AustraliaGroup D: Brazil, Germany, Côte d’Ivoire, Saudi Arabia

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More