RASMI: Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka

9

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa ee kulanka Getafe ee horyaalka LaLiga, waxaana kaliya taam u ah 13 ciyaartoy oo aanu ku jirin goolhayuhu.

Inta kale ee ciyaartoydiisa ayaa ku maqan dhaawacyo, fayraska Korona iyo ganaaxyo, taas oo ugu soo beegantay xilli ay ciyaaro adag sugayaan.

Ferland Mendy ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee ka baxay saaxadda Zidane, waxaana dhaawac kasoo gaadhay muruqa kulankii Liverpool uu ku seegayaa ciyaartan iyo midda xigta ee Cadiz ee dhamaadka usbuucan.

Zidane ayaa liiska icyaartoydiisa kusoo daray ciyaartoyda kooxda da’yarta ee Victor Chust oo la filayo inuu difaaca dhexe kala ciyaaro Eder Militao maadaama aanu haysanin dookh kale.

Ka Sokow Mendy, waxa Real Madrid ka maqan Sergio Ramos oo dhaawac iyo Fayraska Korona iskugu darsameen, Raphael Varane oo mar kale ku maqan Korona Fayras, Lucas Vazquez oo dhaawac ah, Dani Carvajal oo aan wali kasoo kabanin dhaawac uu muddo ku maqnaa balse dib ugu soo laabtay tababarka, Nacho oo ganaax shan kaadh ahi u buuxsameen iyo Casemiro oo kaadh cas qaatay ciyaartii Barcelona.

Waxa kale oo Real Madrid aanay liiskeeda kusoo darin Eden Hazard oo kasoo noqday dhaawac, tababarkana in muddo ah qaadanayay balse aan taam ahaansho buuxa  helin.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Getafe ee Axadda

Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube, Eder Militao, Marcelo, Alvaro Odriozola, Victor Chust, Toni Kroos, Luka Modric, Fede Valverde, Isco, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius, Mariano iyo Rodrygo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More