Real Madrid Oo Lagu Qasbayo Inay Fasaxdo Vinicius Junior, Rodrigo &

Soo laabashadii Gareth Bale oo kasoo noqday amaah uu ugu maqnaa Tottenham, waxay Real Madrid ku abuuraysaa qalalaase dhinaca dhaqaalaha ah iyadoo markii horeba ku jirtay xaalad cakiran, waxaana hadda lagu qasbayaa inay kala doorato saddexda ciyaartoy ee reer Brazil ee Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Eder Militao.

Sharciga xidhiidhka kubadda cagta Spain ee la xidhiidha tirada ciyaartoyda aan u dhalanin qaaradda Yurub [aan ku jirin Midowga Yurub] ee loo ogol yahay inay koox walba ka tirsanaan karaan ayaa waxay caqabad weyn ku tahay Real Madrid.

Britain ayaa ka baxday Midowga Yurub 31 December 2020, waxaanu xidhiidhka kubadda cagta Spain heshiis la gaadhay dhiggiisa Ingiriiska oo ay isla qaateen in ciyaartoyda kasoo jeeda UK ay si ku-meelgaadh ah ugu sii jiraan tirada ciyaaryahannada Midowga Yurub ee loo tixgeliyo sidii kuwo madani ah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa Spain, ciyaartoyda Gareth Bale ayaa hadda lagu darayaa tirada ciyaartoyda ajaanibka ee aan haysanin baasaboorka Yurub, waxaana lagu darayaa liiska ajaaniibta.

Sharciga ayaa dhigaya in koox kasta oo Spain ah loo ogol yahay saddex ciyaartoy oo aan haysanin baasaboorka dalalka ku bahaysan Midowga Yurub, waxaana Real Madrid ay saddexdeeda laacib ahaayeen Rodrygo Goes, Vinicius Junior iyo Eder Militao, hase yeeshee waxa hadda kusoo biiray Gareth Bale oo dhinaca diiwaangelintana kasoo horreeyey iyaga maadaama uu kooxdan yimid sannadkii 2013kii.

Casemiro oo dhowaan qaatay sharciga Yurub ayaa isagu ka baxay liiskan, laakiin Real Madrid ayaa hadda kala dooranaysa saddexda laacib ee kale ee reer Brazil waxaana laga doonayaa in ay midkood ka dirto kooxdeeda si ay sharciga ugu hoggaansanto oo loogu diiwaangeliyo ciyaaryahannadan.

Real Madrid ayaa sidoo kale haysata Takefusa Kubo iyo Reinier oo Japan iyo Brazil u kala dhashay laakiin waxay xaaladdooda ku xallin kartaa in ay ku dirto amaah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More