RIKOODH: Marcus Rashford Oo Xalay Jabiyey Rikoodh 56 Sano U Yaallay

Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa xalay soo qabtay rikoodh dhinaca gool-dhalinta ah oo muddo 56 sannaddood ah uu haystayy halyeygii reer Ingiriiska ee Sir Bobby Charlson.

Ciyaartii Manchester United ay Khamiistii guusha kaga soo gaadhay Granada lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League, waxay habeen farxadeed u ahayd Marcus Rashford oo dhaliyey goolka koowaad ka hor intii aanu dhamaadkii rikoodhe ku darin Bruno Fernandes.

Goolka Rashford ayaa noqday mid lagu qoray taariikhda kooxdiisa, waxaanu ku barbarreeyey rikoodh uu hore u haystay halyeygii Sir Bobby Charlton, kaas oo ah ciyaartoyga reer England ee goolasha ugu badan ee tartamada Yurub ah u dhaliyey United.

23 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa siddeed gool oo tartamada Yurub ah, kuwaas oo iskugu jiray Champions League oo ay wareeggii koowaad kaga soo hadheen iyo Eurpopa League.

11 ciyaarood oo tartamadan ah oo uu saftay ayaa siddeedda gool ay ku qaadatay, waxaana uu sidaas ku soo qabtay rikoodhkii Charlton ee xilli ciyaareedkii 1964-65kii oo isaguna siddeed gool oo tartamada Yurub ah u dhaliyey Manchester United, illaa waqtigaasna ma jirin ciyaartoy u dhashay England oo hal xilli ciyaareed gudaheeda  dhaliyey tiro goolal intaas le’eg.

Lix ka mid ah goolashan ayaa uu Rashford ka dhaliyey tartanka Champions League iyo laba Europa League ah oo uu ku daray, waxaana uu sidaas kusoo qabtay rikoodhkan taariikhiga ah.

Waxa kale oo uu Rashford noqday ciyaartoygii afraad ee Premier League ah ee 20 gool dhaliya xilli ciyaareedkan, waxaana tiradaas u buuxiyey goolkii uu ka dhaliyey Granada xalay. Waxa kaliya ka horreeya Bruno Fernandes oo 23 gool oo dhamaan tartamada ah dhaliyey, Harry Kane oo 29 gool dhaliyey iyo Mohamed Salah oo 27 gool dhaliyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More