Rikoodhka Layaabka Leh Ee Zidane Ku Haysto Garoonka Camp

Zinedine Zidane ayaa u kaxaynaya ciyaartoyda Real Madrid garoonka Camp Nou oo ay berri ka dhici doonto ciyaarta ugu horreysa El Clasico xili ciyaareedka 2020/21 xilli uu ku jiro waqtigiisii ugu adkaa ee tababarenimo.

Macallinka reer France ayaa ka shaqaynaya in ciyaartoydiisa uu kusoo celiyo jidka guusha kaddib guul-darrooyin isku xigay iyo suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii aanu is-joojin ku samaynin safkiisa.

Wargeyska Marca oo kulankan iyo mustaqbalka Zidane wax ka qoray ayaa sheegay in tababare ZIZOU uu mustaqbalkiisu ku xidhan yahay lugaha ciyaartoydiisa iyo waxa ay ka keenaan kulanka El Clasico, kaas laga doonayo inay guul ka keenaan si ay tababarahooda u badbaadiyaan.

Zinedine Zidane oo aan laga soo badinin shantii jeer ee ugu dambeeyey ee El Clasico ee uu tegay Camp Nou ayaa doonaya ku qanacsan inuu sii wadan doono rikoodhkaas oo uu ka badbaadi doono in culaysku kusii siyaado.

Laakiin Zinedine Zidane wuxuu ogyahay in ay hawl tahay in Barcelona uu ku booqdo garoonkeeda, waxaase uu xusuus ka dhiganayaa inuu yahay tababaraha labaad ee Real Madrid ugu guulaha badan iyo inuu yahay mid awood u yeeshay inuu iska dhiciyo Barcelona.

Labadii guul-darro ee isku xigay ee Shakhtar Donetsk iiyo Cadiz ay u xambaariyeen kaddib, waxa uu tababaraha reer France diiradda saarayaa sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhibaatadaas.

Sagaal jeer oo uu Zinedine Zidane ka hor tegay Barcelona, waxa kaliya oo uu guul-darrooyin la kulmay laba ciyaarood oo ka mid ah oo ka dhacay garoonka Estadio Santiago Bernabeu, waxaana uu diiwaanka gashaday inuu afar jeer ka badiyey, saddex kalena barbarro ku qabtay.

Clasico-adiisii horreysay ayaa ah tan ugu xasuustabadan, waxaanay dhacday April 2, 2016, markaas oo ay Barcelona haysatay rikoodh 39 ciyaarood oo ay si joogto ah uga soo guuleysanaysay Real Madrid, taas oo ay ugu dambaysay 4-0 ay Barca kusoo garaacday Real kulankii hore ee xili ciyaareedkaas oo uu Rafael Benitez ahaa tababaraha Real Madrid.

Los Blancos ayaa ciyaartaas kaadh cas  looga taagay Sergio Ramos oo garoonka ka baxay, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa goolka guusha u dhaliyey, iyadoo Zidane ay xiddigihiisuna ay kasoo laabteen Camp Nou iyagoo faraxsan, waxayna xili ciyaareedkaas ku guuleysteen Champions League.

December 3 ee isla sannadkaas, Sergio Ramos ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay ee 90aad u dhaliyey Real Madrid goolka barbaraha kaddib gool uu waqti hore u dhaliyey Barcelona weeraryahankoodii reer Uruguay ee Luis Suarez.

Xili ciyaareedkii 2017/18 waxa uu labada kooxoodba ugu bilowday Supercopa de Espana oo ay iyagu isku haleeleen, waxaana kulankii hore oo ka dhacay Camp Nou ay Los Blancos ku badisay 3-1 uu laba ka mid ah goolasha dhaliyey Cristiano Ronaldo, midka  kalena ku daray Marco Asensio.

Xilli ciyaareedkii xigay oo ahaa midkii ugu dambeeyey ee Andrees Iniesta uu Barcelona u ciyaaro, waxay labada kooxood ku kala  baxeen 2-2 iyagoo jooga Camp Nou, waxaana Real Madrid goolasha u dhaliyey Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale.

December 18, 2019 oo ahayd ciyaartii ugu dambaysay ee ay Camp Nou ku kulmaan, waxay ku dhamaysteen barbarro goolal la’aan ah, laakiin Zidane ayay usii kordhisay rikoodhka kulamada garoonkan ee guul-darro la’aanta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More