SAADAAL: Man United Oo Garaacaysa Spurs, City Oo Xasuuq Geysanaysa,

Horyaalka Premier League ayaa shakigii laga saaray kaddib geeridii Prince Philip oo keentay in su’aal la geliyo haddii ay kulamada toddobaadkani qabsoomi doonaan, waxaana war-saxaafadeed ku fasaxay xidhiidhka FA.

Kulamo badan oo xiise leh ayaa toddobaadkan dhacaya, waxaana natiijooyinka kasoo baxa ay isbeddel dhab ah ku samayn doonaan kaalmaha ka hooseeya saddexaad, iyadoo ay sanka isku hayaan illaa shan kooxood oo ku tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen naadiyada kasoo muuqanaya tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe.

Halyeygii hore ee xulka qaranka England iyo kooxaha Liverpool iyo Manchester United ee Michael Owen  ayaa saadaal ka bixiyey kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, waxaana uu cabbirkiisa si adag u saaray ciyaaraha Chelsea, Manchester City, Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo kuwa uu dagaalka adag ka dhexeeyo.

Tottenham oo kaalinta lixaad ku jirta, ayna isku dhibco yihiin Liverpool oo toddobaad ah ayaa waxay martigelinaysaa Manchester United oo kaalinta labaad fadhida, waxaana Michael Owen  uu ciyaartan guusha siiyey naadigiisa hore ee United oo uu tilmaamay inay si sibiq ah saddexda dhibcood uga qaadan doonto Spurs.

Liverpool ayaa iyaduna qaabbilaysa kooxdii xasuuqa weyn u geysatay horraantii xilli ciyaareedka ee Aston Villa oo ku garaacday 7-1, waxaanu kulankani ugu soo beegmay iyadoo Reds ay guul-darro kala soo laabatay waddanka Spain oo lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ay ku garaacday Real Madrid.

Laakiin Michael Owen  ayaa kooxdiisa hore u sheegay in ay kusoo laaban doonto dariiqa guulaha, sarena ay usoo qaadi doonto rajadeeda ah in ay soo gasho afarta sare.

Man City oo waqti hore oo Sabtida ah la ciyaaraysa Leeds ayaa xasuuq geysan doonta, waxaana Pep uu ku tumanayaa macallinka uu taageero ee Marcelo Bielsa, waxaanay ku garaaci doonaan 4-1.

Chelsea oo usbuucii hore si lama filaan ah ay West Brom u garaacday ayaa dib ugu soo laabanaysa dariiqa guusha, sida Owen rumaysan yahay, waxaanay libin ka gaadhi doonaan kooxda Crystal Palace.

Kulan muhiim u ah kaalmaha saddexaad iyo afraad ayaa waxa kale oo wada ciyaaraya West Ham United iyo Leicester City, waxaana uu Michael Owen  saadaaliyey in West Ham ay badin doonto.

Saadaasha Michael Owen ee kulamada usbuucan oo dhamaystiran:

Fulham 1-1 Wolves

Man City 4-1 Leeds

Liverpool 1-0 Aston Villa

Crystal Palace 0-2 Chelsea

Burnley 1-1 Newcastle

West Ham 2-1 Leicester

Sheff Utd 1-2 Arsenal

Spurs 0-1 Man Utd

West Brom 0-1 Southampton

Brighton 1-1 Everton

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More