Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League Ee

8

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa galay usbuucii 31aad ee xilli ciyaareedkan, waxaana marka ay soo dhamaadaan kulamani kaliya hadhsanaan doona toddoba ciyaarood oo kale oo ay koox waliba dheeli doonto, taas oo ka dhigan in waqtiga ay kooxaha kaalmaha sare haystaan uu aad u kooban yahay.

Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta ayaa waajahaysa Tottenham, kulan saamayn badan ku yeelanaya booska ay Spurs kaga dhamaysan karayso horyaalka.

Tababare Jose Mourinho oo ay kooxdiisu ku jirto kaalinta shanaad, ayna isku dhibco yihiin Liverpool ayaa u baahan in ay guul ka keento kulankan oo lagu ciyaarayo garoonkeeda, haddii kale waxay fursad siinaysaa kooxaha ka dambeeya oo dhaafi doona waqti uu horyaalkuna gabogabo yahay.

Liverpool ayaa iyaduna la ciyaarii doonta Aston Villa oo ciyaartii hore ee bilowga xilli ciyaareedkan goolal tiro badan ku garaacday, waxaana Klopp iyo xiddigihiisa oo badiyaa ay soo geli karaan kaalinta afraad haddii laga badiyo West Ham oo hadda kaalintaas ku jirta, isla markaana la qabto Chelsea.

West Ham United oo afraad ku jirta waxay maraysaa imtixaan adag, iyadoo Axadda marti u noqon doonta Leicester City.

Chelsea oo shanaad u dhacday usbuucii hore, laba dhibcoodna ka horreysa Tottenham iyo Liverpool ayaan ka  bixi doonin magaalada London, waxaanay u tegaysaa Crystal Palace iyadoo ogsoon in haddii ay guul ka keeni weydo ay hoos uga degi doonto kaalinta ay hadda ku jirto, isla markaana ay suurtogal tahay in Liverpool, Tottenham iyo West Ham ay kaga horreeyaan kaalinta afraad.

Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson ayaa saadaaliyey kulamada horyaalka ee toddobaadkan, sidii aynu horeba uga baranay ee uu usbuuc walba samayn jiray.

Liverpool ayuu ugu bushaareeyey in ay ka aargudan doonto Aston Villa oo ay fursad u heli doonto in ay sare usoo kacdo, sidaas oo kalena Chelsea ayaa kusoo laaban doonta booskeeda kaalinta afraad iyadoo guul kala soo laaban doonta Crystal Palace.

Ciyaarta adag ee Manchester United iyo Tottenham ayuu Mark Lawrenson sii kala saaray, waxaanu saddexda dhibcood siiyey Tottenham, taas oo haddii ay dhacdo ka faa’iidaysan doonta midka kufa Chelsea iyo West Ham.

Saadaasha khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ee kulamada toddobaadkan:

Jimce

Fulham 0-1 Wolves

Sabti

Man City 3-0 Leeds United

Liverpool 2-0 Aston Villa

Crystal Palace 0-2 Chelsea

Axadda

Burnley 1-1 Newcastle

West Ham 1-2 Leicester

Tottenham 2-1 Man United

Sheffield United 0-2 Arsenal

Isniin

West Brom 0-2 Southampton

Brighton 1-1 Everton.

Akhriste: Adiguna saadaali kulamadan oo natiijada aad filayso ku qor halka hoose ee farriinta akhristaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More