Sancho Mise Cavani? Dagaalka No.7 Ee Manchester United, Jamaahiirta Oo

Mar hore ayaa dukaamada la dhigay shaadhka uu Manchester United u xidhan doono xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo aanay wali kooxdu si rasmi ah ugu dhawaaqin saxeexiisa balse ay hore u xaqiijisay in ay la saxeexatay oo ay sugayaan inta ay qodobbo yaryar ka dhamaysanayaan Borussia Dortmund.

Jamaahiirta Manchester United ayaa sii xidhay shaadhka Manchester United oo uu dhabarka kaga qoran yahay Jadon Sancho iyo No.7 oo ah midka lala xidhiidhinayo inuu u xidhan doono marka sida rasmiga ah kooxdu ugu dhawaaqdo heshiiskiisa ee ay kusoo bandhigto Old Trafford.

Laacibkan ayay Manchester United aqbashay inay £72.9 milyan oo Gini ka bixiso, taas oo ay Borussia Dortmund iyaduna dhinaceeda ka  ogolaatay, waxaana la filayaa in bilowga toddobaadka dambe si rasmi ah loogu dhawaaqo iyadoo uu qalinkana ku duugi doono heshiis shan sannadood ah.

Sancho ayaa Borussia Dortmund u xidhan jiray No.7, laakiin Manchester United waxa xilli ciyaareedkii hore u xidhay lambarkan weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo dhowaan saxeexay hal sano oo kale oo heshiis ah oo uu kusii joogi doono Old Trafford.

Iyadoo xaalku sidaas yahay oo uu Edinson Cavani haysto No.7, waxa dukaamada online-ka ah laga iibsanayaa shaadhka No.7 oo uu ku qoran yahay magaca Jadon Sancho, taas oo bixinaysa qish ah in lambarkan lagu wareejinayo Sancho.

Cavani ayaa la sheegayaa in aanu iska dhiibi doonin lambarkan oo aanu si fudud ugu ogolaan doonin Jadon Sancho sida uu qoray wargeyska Mirror ee kasoo baxa UK, laakiin haddana waxa jira culays ka imanaya taageereyaasha oo muujinaya inay No.7 la doonayaan laacibka reer England.

Manchester United ayaa laga sugayaa inay qaadato go’aan la xidhiidha lambarka ay u qoondaysay Jadon Sancho iyo haddii ay Edinson Cavani ku qancin karaan in uu ka tanaasulo lambarkan oo uu siiyo Sancho.

Si kastaba, arrintan ayaa  kala caddaan doonta toddobaadka dambe oo uu Cavani kasoo laaban doono fasax, sidoo kalena uu Jadon Sancho noqonayo ciyaartoy rasmi ahaan uga tirsan Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More