“Sergio Ramos Barcelona Ayaan Gayn Lahaa, Waxa Uu Naga Caawin Lahaa Ku

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Samuel Eto’o ayaa ku baaqay inay kooxdiisii hore la saxeexato halyeeyga kooxda ay cadaawada weyni kala dhaxayso ee Sergio Ramos kaas oo la xaqiijiyay inuu hubaal ka tagayo kooxdaas xagaagan.

Real Madrid ayaa shaacisay inay kooxda ka fasaxday Ramos waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ugu cad cadahay Paris Saint-Germain.

Laakiin Eto’o oo ah ciyaaryahan usoo wada ciyaaray labada kooxood ee ugu waaweyn Spain ayaa qaba inay tahay in Barca ay saxeexa Ramos samayso marka uu ka hayaamo Madrid dhammaadka bishan.

Dhinaca kale Eto’o oo taageere u ah Paris Saint-Germain ayaa sheegay inuu ku farxi doono xataa haddii uu Ramos tago kooxdaas maadaama oo uu ka caawin karo Champions League oo aysan taariikhdeeda kusoo guuleysan walow ay sanadahan ugu dambeeyay dedaalo badan ku bixisay.

Samuel oo la hadlayay wargeyska AS ayaa yidhi “Waxaan ku rajo weynahay in Sergio uu tagi doono PSG, haddii aan Barca kula saxeexan karo waan samayn lahaa”

“Haddii uu tago PSG waan ku farxi doonaa waanan ogahay inuu naga caawin doono ku guuleysiga Champions League, kaas oo u muuqda mid aad noogu adag”

Eto’o ayay hubaal tahay inuusan heli doonin rabitaankiisa ah in Ramos la keeno Camp Nou maadaama oo uu 35 sano jirkaasi hore u sheegay inaysan sinaba macquul u ahayn inuu kooxdaas u wareego.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More