SHANTA Qalad Ee Waaweyn Ee Zinedine Zidane Sameeyey,

Guul-darradii Shakhtar Donetsk ay u xambaarisay Real Madrid Khamiistii, waxay bannaanka soo dhigtay xaaladda  adag ee uu ku jiro tababare Zinedine Zidane oo ay durba shaqadiisu halis ku jirto.

Los Blancos oo laba guul-darro iskugu xigeen, usbuucan horraantiisiina ay Cadiz isla garoonka Estadio Di Stefano 1-0 ugu dhiibtay ka hor intii aanay Shakhtar oo iyaduna garoonkan timid ku garaacin 3-2, ayaa waxa durba la sheegayaa in Zinedine Zidane uu ku dhow yahay in shaqada laga caydhiyo.

Real Madrid ayaa Sabtida u tegi doonta Barcelona, waxaanay u baahan tahay inay ka keento guul kaddib labada guul-darro adkaa ee ay kusoo dhex jirtay, laakiin haddii ay khasaarihii saddexaad oo xidhiidh ah diiwaanka gashato, waxa maamulka kooxdu ay ka fadhiisan doonaan waxa ay ka yeelayaan tababare Zidane iyo macallinka kale ee lagu beddelayo intaba.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid ayaa soo bandhigay qaladaad waaweyn oo uu tababaraha reer France sameeyey, kuwaas oo noqon doona kuwa sahayanaya shaqadiisa ee sababta u noqon doona in la eryo.

Wargeyska Marca waxa uu shaaciyey shan qalad oo soo taxnaa illaa waqtigii uu suuqu furnaa, go’aamadii uu ka qaatay ciyaartoyda ka tagtay naadiga, kuwa jooga iyo arrimo kaleba.

Masuuliyadda uu Zinedine Zidane la wadaago Florentino Perez ayay tahay in kooxda loo qorsheeyo xili ciyaareedka cusub, isla markaana dibu-dhis lagu sameeyo, laakiin waxa aan sir ahayn in Los Merenguez ay lumisay hanti badan suuqii xagaaga ee tegay, iyadoo safkeedana kusoo kordhisay labada ciyaartoy ee Martin Odegaard iyo Alvaro Odriozola oo amaaho kasoo laabtay.

Inkasta oo lagu doodi karo in dhaawacyo ay wiiqeen kooxdan oo xiddigihii uu Zidane ku xisaabtamayay ay sariiryaal noqdeen, haddana waxaasi cudur-daar uma noqonayaan, waxaana meesha taalla su’aal la xidhiidha wixii uu doonayay inuu ku dagaal galo ka hor bilowgii xili ciyaareedka iyo qorshihii uu ku shaqaynayay.

Xiddiga reer Colombia ee James ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu ku jiraa xiddigaha la saadaalinayo inay ku guuleysan doonaan abaal-marinta laacibka ugu fiican sannadka. Isco oo ay isku marxalad ku jireen waqtigii ay Real Madrid wada joogeen, ayaa isaguna wali ku jira mugdigii ciyaareed iyo bandhiggii liitay.

Ismuujinta James Rodriguez ayaa waxay miiska  keentay su’aal la iska weydiinayo Zinedine Zidane oo hadda loo xambaarinayo eedda ah inuu yahay midka ciyaartoyda kalsoonida ka qaada.

Laacibka reer Brazil ee Marcelo waxa uu ka mid yahay ciyaartooyadii ugu wanaagsanaa Real Madrid ee cahdigiisii, laakiin waxay ahayd in waayihiisa Santiago Bernabeu lasoo gabogabeeyo hadda ka hor. Labadii xili ciyaareed ee ugu dambeeyey ayuu ku jiray waqtigii hoos u dhaca, waxaanu xuddun u ahaa labadii guul-darro ee ugu dambeeyey.

Waxa uu samaynayaa qaladaad difaac oo kooxda dhibaato ku ah, waxaana kasii daran in aanu ka qayb qaadanayn weerarka kooxda oo ahayd meelihii uu ugu shaqada badnaan jiray. Arrimahan oo dhan oo dhacaya, waxa uu Zidane wali kusii kalsoon yahay Marcelo oo uu siinayo waqti aanu u qalmayn.

Mar kale, masuuliyaddan waxa qaybsada tababaraha iyo waaxda farsamada ee uu madaxda u yahay Madaxweyne Perez.

Los Blancos waxay u baahnayd inay hesho lacag waqtigii xagaaga, waxaanay go’aan ku gaadhay inay iibiso Achraf oo 40 milyan oo Euro ay kaga iibiyeen Inter Milan iyo Sergio Reguilon oo 30 milyan oo Euro ugu wareegay Tottenham.

Labadan ciyaartoy waxay kooxda joogeen illaa markii ay da’doodu ahayd SAGAAL jirka, waxaanay labadooduba ka tageen xilli ay yihiin kuwo indhaha dunida oo dhani hayaan, laakiin kaaga darane boosaskoodu ay yihiin kuwa ay Real Madrid ka dhibaatoonayso waqtigan.

Zidane waxa uu door bidaa inuu soo xusho ciyaartoyda inta badan kusoo bilowda safka hore haddii ay taam yihiin, sida Courtois, Ramos, Varane, Carvajal, Casemiro, Kroos, Modric iyo Benzema. Taasi waxay keentay in ciyaartoyda kale ee kooxdu ay dareemayaan in aanu tababaruhu siinayn kalsooni la mid ah xiddigahan.

Zidane waxa uu shaki badan ka qabaa ciyaartoyda aan wali waxba kula guuleysanin, waxaanay tani fal-celin u tahay bandhiggooda marka ay helaan waqti yar oo aan ku filayn oo laga siiyo ciyaarta kooxda.

Luka Jovic oo ay kooxdu u sheegtay xagaagii inuu tegi karayo, ayaa waxa uu noqday laacibka kusoo bilowday kulankii Champions League. Vinicius Jr ayaa kaydka u dhacay oo haddana dib loogu yeedhay xiddigaha joogtada ah, halka Rodrygo iyo Odegaard aanay wali samaynin wax ay ku qanciyaan tababarahooda.

Kalsooni-darradani waxay ka imanaysaa ciyaaraha, waxaana in badan laga arki karayaa in Real Madrid aanay xidhiidhsanayn, gaar ahaan kulamada uu Zidane isku dayo inuu ciyaartoydiisa isku beddelo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More