Shaxda Adag Ee Manchester United Oo Ku Dagaallami Doonto Xilli

Ole Gunnar Soslkjaer ayaa waqti horeba isku habaysanaya xiddigihii uu ku dagaal-geli lahaa xilli ciyaareedkan, si uu ugu dagaallami karo horyaalka Premier League ee ay xilli ciyareedkii hore kaalinta labaad ka galeen.

Manchester United oo si lama filaan ah ay finalkii Europa League ugu garaacday Villarreal oo koobka ka qaadday, waxa uu Solskjaer waqtigaas sii sheegay, in uu la dhacsan yahay dedaalka ay sameeyeen ciyaartoydiisu laakiin ay u baahan yihiin lasoo xoojiyo.

“Laba ama saddex ciyaartoy ayaanu kusoo xoojin doonaa safka koowaad, ciyaartoyda oo dhamina muhiim ayay noo ahaayeen, xataa way dii kordhin karayeen dedaalka.” Ayuu Solskjaer yidhi waqtigaas.

Waxa kale oo uu Solskjaer qiray in kooxaha kalena ay sidooda oo kale isku soo adkayn doonaan sodooda oo kale, waxaanu yidhi: “Waxa aan hubaa in kooxaha nala tartamaya ay iyaguna doonayaan inay is-horumariyaan, anaguna intii karaankayaga ah ayaanu samayn doonaa.”

Isagoo hadalkaas daba socda, Solskjaer waxa uu xaqiijiyey in kooxdiisa uu kusoo biiro garabka weerarka England ee Jadon Sancho oo ay muddo raadinayeen, kaas oo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund, isla markaana noqday saxeexdooda koowaad.

United ayaa laacibkan kasoo bixisay £72.9 milyan oo Gini, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah.

Qorshihii labaad ee ay iskaga xoojinayaan labada boos ee u hadhsan ayay United ku hawlan tahay haddana, waana difaaca dhexe oo ay u doonayaan Raphel Varane iyo difaac dhinac ah oo ay u dhow yihiin inay usoo qaataan Kieran Trippier.

Haddaba, sidee ayay noqon doontaa shaxda Manchester United haddii ay ku guuleystaan labada saxeex ee ay u dhow yihiin?

Shax ka kooban 4-3-3 ayay ku ciyaari doonaan, waxaana afka hore isku bahaysan doona Edinson Cavani, Marcus Rashford iyo Jadon Sancho, halka khadka dhexena uu u xulan doono Bruno Fernandes, Paul Pogba iyo Scott McTominay.

Difaaca ayay ka wada ciyaari doonaan Kierran Trippier, Varane, Maguire iyo Shaw.

Shaxda Solskjaer qorshaysanayo inuu ku ciyaaro:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More