Shaxda Birta Ah Ee Arsenal Ku Dagaal Galayso Xilli Ciyaareedka Dambe &

Arsenal ayaa markale suuqa xagaagan lacag fiican gelinaysa xilli uu tababare Mikel Arteta yahay mid ay ka go’antahay inuu horumarin ku sameeyo safka uu Emirates Stadium ku haysto.

Arsenal ayaa isku dayaysa inay saxeexyada ay doonayso deg-deg u keensato kahor kooxaha ay xifaaltamaan, kaddib xilli ciyaareed musiibo ah oo ay kusoo qaateen Premier League, Arteta ayaa doonaya inuu la saxeexdo xiddigo dookhiisa ah.

Nuno Tavares ayay durba kala soo saxeexdeen SL Benfica heshiis 9 Milyan oo pound ahaa isaga oo gool u dhaliyay kooxda kulankiisii koowaad oo ay shalay bar-bardhac 2-2 ah lasoo galeen Rangers.

Dhinaca kale Gunners ayaa qarka u saaran saxeexa daafaca dhexe ee Ben White oo ay Brighton kula heshiiyeen inay lacag 50 Milyan oo pound ah kula wareegaan.

White oo ay Arsenal ka dhiganayso bedelka David Luiz ayaa qaadan kara inta ugu badan ee lacagta ay kooxdu suuqa ugu talo gashay balse taas ayaan ka joojin doonin inay sii wadaan inay saxeexyo kale sameeyaan.

Albert Sami Lokonga oo ah kabtanka kooxda Anderlecht ayaa isaguna heshiis 17.5 Milyan pound ah ugu soo wareegaya Arsenal, khadkaas dhexe ayaa tijaabada caafimaadka ka gudbay balse galay karantiin iyadoo marka uu kasoo baxo rasmi loo shaacin doono saxeexiisa.

Arsenal ayuu ka tagay Mateo Guendouzi oo Marseille ku biiray halka Xhaka iyo Torriera ay u muuqdaan kuwo baxaya xilli ay Dani Ceballos iyo Martin Odegaard ku laabteen Real Madrid oo ay amaah kaga soo maqnaayeen.

Ciyaaryahanka kale ee uu Arteta doonayo ayaa ah Houssem Aouar, qiimaha 23 sano jirkaas oo ay Gunners sanadkii hore awoodi waayeen saxeexiisa ayaa haatan ah kaliya 25 Milyan oo pound.

Halkan Kaga Boggo Shaxda Arsenal Kusoo Geli Karto 2021-22

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More