Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Ee Chelsea Soo Martay Abid,

Laga soo bilaabo sannadkii 2003 oo mulkiyadda Chelsea uu la wareegay Roman Abramovich, waxa soo maray xiddigo waaweyn oo gaadhay guulo cajiib ahaa oo iskugu jiray Champions League, Premier League, FA Cup iyo League Cup.

Taariikhda dahabiga ah ee Chelsea ayaa lasoo bilaabantay cahdiga Abramovich oo markii uu kooxda iibsadayba keenay ciyaartooyo badan isaga oo geliyey lacag badan, kana dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Premier League iyo dunidaba.

Sannadkan ayuu mar kale maalgelin weyn sameeyey Roman Abramovich isaga oo soo iibiyey in ka badan shan ciyaartoy oo waaweyn oo lacago badan uu kasoo bixiyey xilli dunidu la dhibaatoonayso dhaqaale xumo uu keenay Korona Fayras.

Muddada 17ka sannadood ahayd ee uu Chelsea mulkiyaddeeda lahaa Abramovich ayaa waxa lagu sameeyey qiimayn la xidhiidha shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd oo ka kooban 11 ciyaartoy oo boos walba ah iyo dhawr laacib oo kale oo beddelkii ugu fiicnaa laga dhigay.

Petr Cech oo Chelsea ay kala soo wareegtay Rennes, kana soo bixisay £7 milyan oo Gini ayaa noqday goolhayihii ugu fiicnaa ee Chelsea, waxaanu kula guuleystay Champions League, Afar horyaal oo Premier League ah, Afar FA Cup, saddex League Cup iyo Europa League.

Difaaca ayaanu shaki ku jirin John Terry, waxaase soo raacay Branislav Ivanovic oo waqti qurux badan ku qaatay Stamford Bridge tan iyo markii uu uga soo wareegay Lokomotiv Moscow sannadkii 2008. Waxa liiskan soo galay Ricardo Carvalho iyo Ashley Cole oo iyaguna dhamaystiray afarta difaaca ah.

Khadka dhexe ayay xiddigihii ugu wanaagsanaa ee kusoo baxay kooxda ugu fiican ee Chelsea soo martay abid ay kusoo baxeen Frank Lampard, Claudio Makelele iyo N’Golo Kante.

Afka hore ee weerarka oo iyagana saddex ciyaartoy lagu soo koobay ayaa waxa is garab taagan oo kooxda ugu fiican Blues ka mid noqday Didier Drogba, Gianfranco oo ka hor intii aanu Abramovic iibsanin kooxda u ciyaarayay iyo Eden Hazard.

Halkan kaga bogo kooxda oo dhamaystiran:

Goolka: Petr Cech

Difaaca: Branislav Ivanovic, John Terry, Ricardo Carvalho & Ashley Cole

Dhexda: Frank Lampard, Claude Makelele & N’Golo Kante

Weerarka: Gianfranco Zola, Didier Drogba & Eden Hazard

Beddelka ugu wanaagsanaa

Thibaut Courtois, Gary Cahil, William Gallas, Cesar Azpilicueta, Michael Essien, Juan Mata, Diego Costa.

Haddaba akhriste, sidee ayaad u aragtaa shaxdan? Ma tahay tii ugu wanaagsanayd ee adiga aragtidaada soo marta Chelsea? Yaad se Magacaabi lahayd adigu?

Fikirkaaga ku dhiibo halka hoose ee faalada loogu talo-galay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More