Shaxda Rasmiga Ah Ee Getafe vs Real Madrid – Benzema Iyo Kroos Oo

Real Madrid ayaa  marti ku ah garoonka Colisum Alfonso Perez, iyadoo dersin ciyaaartoydeeda ka mid ah ah ku maqan yihiin dhaawacyo, ganaaxyo iyo xanuuno.

Zinedine Zidane ayaa ciyaartan kusoo bilaabay laacib cusub oo uu uga yeedhay kooxda da’yarta Real Madrid Castilla, kaas oo khadka difaaca dhexe kala ciyaaraya Eder Militao.

Victor Chust ayaa kusoo garab bilowday Militao, waxaana labada difaac ee dhinacyada taagan Marcelo iyo Alvaro Odriozola, khadka dhexena uu ka maqan yahay Toni Kroos oo ay iska garab ciyaarayaan Luka Modric, Isco iyo Rodrygo.

Weerarka ayaa sidoo kael isbeddello badan ku dhaceen, waxaana wada taagan Asensio, Vinicius iyo Mariano.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois; Odriozola, Militao, Chust, Marcelo; Modric, Isco, Rodrygo; Asensio, Vinicius, Mariano

Getafe starting XI: Soria; Nyom, Djene, Timor, Olivera; Arambarri, Maksimovic; Alena, Portillo, Cucurella; Mata.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More