Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Fulham – Arteta Oo Xiddig Lama

Kooxda tababare Mikel Arteta ee Arsenal ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo London Derby ah soo dhawaynaysa dhigeeda Fulham, kulankaas ayaa ah mid labada kooxoodba saddexda dhibcood muhiim u yihiin.

Gunners ayaa guul ay gaadhaan ugu dhawaan doona kaalmaha tartamada Yurub loogu soo baxo iyagoo raba inay ugu yaraan Europe League usoo baxaan xilli ciyaareedka dambe halka Fulham ay rabto saddex dhibcood oo ay afar dhibcood ugu jirsadaan kaalmaha horyaalka loogu badbaado.

Arteta ayaa si lama filaan ah keydka u dhigay goolhaye Leno isaga oo Mat Ryan kusoo bilaabay, sidoo kale Bellerin, Elneny iyo Martinelli ayaa dhammaantood fursad helay iyadoo Willian, Pepe, Partey iyo Chambers ay keydka ku jiraan halka Aubameyang uu wali u maqan yahay xanuunka duumada oo haleelay.

Shaxda Labada Kooxood Ee Kulankan

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More