Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Aston Villa – Klopp Oo Shax

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa kahor tagaysa dhigeeda Aston Villa oo ahayd kooxdii bahdilka foosha xun u geysatay qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan markaas oo ciyaartii ka dhacday gegida Villa Park ay natiijo 7-2 ah dhulka ku jiid-jiiday.

Reds ayaa kulankan soo gelaya iyaga oo isha ku haya guul ay ku aar-gutaan sidoo kalena ka fikiraya kulanka ay Arbacada la leeyihiin Real Madrid ee lugta labaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League ka tirsan.

Klopp ayaa kulankan keydka dhigay Sadio Mane iyo Thiago Silva isaga oo kusoo bilaabay Firmino, Jota iyo James Milner halka uu shaxda inta kale ka dhigay xiddigaha uu kulamadii Arsenal iyo Real kusoo ciyaaray.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More