Shaxda Rasmiga Ah Ee Manchester United vs Granada – Solskjaer Oo Aan

Manchester United ayaa ku sugan waddanka Spain oo ay kula ciyaarayso kooxda dalkaas ka dhisan ee Granada lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Europa League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu tahay naadiga ugu horreeya saadaasha kooxaha ku guuleysanaya tartankan ayaa waxa aanu caawa haysanin difaaca reer Ivory Coast ee Eric Bailly oo xanuunka Korona Fayras laga helay, sidoo kalena Anthony Martial ayaa dhaawac ah, hase yeeshee waxa kooxda taam usoo noqday weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo kasoo kabtay dhaawac gaadhay ciyaartii Brighton.

Granada ayaa waxa iyagana ka maqan labada ciyaartoy ee Dimitri Foulquier iyo Quin oo ku biiray Neyder Lozano iyo Luis Suarez oo muddo dheer garoomada ka maqnaa.

Tababare Diego Martinez  ayaa ciyaartan kusoo bilaabay weeraryahanka ruug-caddaaga ah ee Roberto Soldado, waxaanay iskaashanayaan Puertas iyo Montoro.

Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan laacibkii hore ee Chelsea ee Kenedy, Gonalons iyo Herrera, halka difaacana ay wada taagan yihiin Neva, Duarte, Vallejo iyo Diaz.

Manchester United ayaa waxa iyagana ugu soo bilowday Marcus Rashford oo afka hore ay wada taagan yihiin Mason Greenwood, waxaana garabka kale ka xoojinaya Daniel James.

Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Bruno Fernandes, Scott McTominay iyo Paul Pogba, halka difaacana ay joogaan Luke Shaw, Harry Maguire, Lindelof iyo Aaron Wan-Bissaka.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood:

Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Pogba, McTominay, James, Fernandes, Rashford, Greenwood.

Kaydka: Grant, Henderson, Cavani, Mata, Fred, Amad, Telles, Matic, Williams, Van de Beek, Tuanzebe, Elanga.

Granada XI: Rui Silva, Diaz, Vallejo, Duarte, Neva, Herrera, Gonalons, Kenedy, Montoro, Puertas, Soldado.

Kaydka: Banacloche, Fabrega, Foulquier, Perez, German, Suarez, Brice, Machis, Molina.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More