Shaxda Rasmiga Ah Rapid Vienna vs Arsenal – Arteta Oo Shax

Tababare Mikel Arteta ayaa shax adag soo safay kulanka ay ka hortagagayaan kooxda Rapid Vienna ee furitaanka xilli ciyaareedka Europa League.

Labada kooxood ayaa qeyb ka ah Group B oo ay sidoo kale kula jiraan kooxaha Molde iyo Dundalk.

Waxaa markii ugu horeysay shaxda Arsenal lagu soo bilaabay saxiixa cusub ee kooxda Thomas Partey oo khadka dhexe maamulaya kaasoo ka garab ciyaaraya Mohamed Elneny iyo Bakayo Saka.

Weerarka waxaa hogaaminaya Alexander Lacazette oo sidoo kalena ah kabtanka kooxda ee maanta iyadoo Aubameyang uu kursiga keydka ku jiro.

Waxaa weerarka kula wehliya Nketiah iyo Nicolas Pepe. Dhanka daafaca waxaa ku soo bilowday Gabriel iyo David Luiz halka Kolasinac iyo Cedric ay garbaha ka ciyaarayaan.

Goolka waxaa ku soo bilowday goolhayaha koowaad Bernd Leno.

Shaxda Arsenal Ee Kulanka Rapid Vienna:

Arsenal (4-3-3): Leno; Kolasinac, David Luiz, Gabriel, Cedric; Elneny, Partey, Saka; Pepe, Nketiah, Lacazette.

Keyd: Macey, Runarsson, Bellerin, Mustafi, Tierney, Maitland-Niles, Xhaka, Willock, Nelson, Aubameyang

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More