SIR LA HELAY: Alexander-Arnold Oo Laga Reebay Xulka Qaranka England &

Difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa reebay xulka qaranka England ee Salaasada berri lagu dhawaaqayo, sida ay warbaahinta Ingiriisku ku heleen tibaaxo iyo xogo xulka dhexdiisa ah.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaan illaa hadda wax xidhiidh ah lasoo samaynin Trent Alexander-Arnold, iyadoo caadiyan ciyaaryahannada uu ku darayo xulka uu lasii hadlo maalmo ka hor.

Laacibkan oo aan qayb ka noqonin kulamadii xulka ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bilihii ugu dambeeyey ayaa waxa la sheegay in ay kala xidhiidh furteen Gareth Southgate, isla markaana aanu wax rajo ah ka qabin in lagu soo daro xulka qaranka.

Wargeyska The Athletic ayaa tibaaxay in Trent Alexander-Arnold aanu magaciisu ku jirin liiska ciyaartoyda xulka qaranka England ee berri lagu dhawaaqi doono, waxaana laacibkan oo warbaahintu xidhiidh la samaysay uu isaguna qirtay in illaa hadda aanay wada-hadal tababaraha.

Iyadoo wax ka yar 24 saacadood ka hadhsan yihiin waqtiga lagu dhawaaqayo liiska xulka qaranka, Trent Alexander-Arnold iyo Gareth Southgate oo aan wada-hadal waxay ka dhigan tahay in laacibkani aanu qayb ka noqon doonin xulka.

26ka ciyaartoy ee xulka qaranka England ee la filayo in Southgate uu ku dhawaaqo, waxa difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold laga reebayo uu u dooranayaa saddexda laacib ee Kyle Walker, Reece James iyo Kieran Trippier oo uu horeba ugu soo daray xulka kulamadii ugu dambeeyey.

Si kastaba, duhurnimada berri ayaynu ogaan doonaa liiska xulka qaranka England ee rasmiga ah iyo haddii Trent Alexander-Arnold uu qayb ka noqdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More