Solskjaer Oo Wax Laga Weydiiyey Halka Uu Marayo Heshiiska Ay Kula Soo

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii saaxiibtibtinimo ee ay maanta 2-1 ku garaaceen Derby County, Ole Gunnar Solskjaer ayaa wax laga weydiiyey heshiiska la sheegay in kooxdiisu qarka u saaran tahay ee difaaca Real Madrid ee Raphael Varane.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa warbaahinta hor-yimid markii ay soo dhamaatay ciyaartu, waxaanu ka jawaabay su’aalo daran-doorri ahaa.

Tababaraha ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay si degdeg ah ugu dhawaaqi doono Jadon Sancho oo ay wax walba u dhan yihiin dhinacyada, horena heshiis shaqsi ah ay Manchester United ula sii gashay, laakiin waxa uu ka baxsaday su’aal kale oo loo hoos geliyey oo la xidhiidhay Varane.

Macallinka reer Norway ayaa la weydiiyey su’aalu dhignayd: “Maxaad u doonayseen heshiiska Jadon Sancho?”. Waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan ka hadli doonaa ciyaartoyda marka aanu la saxeexano, laakiin ka hadli maayo inta uu ciyaartoygu joogo koox kale.”

Intaas kaddib ayaa waxa loo raaciyey su’aal kale oo degdeg ahayd, taas oo ahayd: “Sidee ayaad ugu dhowdihiin saxeexa Varane?”

Isla markii ay su’aashu kasoo dhamaatay afka wariyaha oo si degdeg ah hadalka u yidhi, waxa uu Ole Gunnar Solskjaer sii bilaabay qosol, waxaanu isagoo qoslaya yidhi: “Isaguna waa sidaas oo kale uun [Sida Sancho aanu uga hadlayn illaa inta uu United imanayo].”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More