Unai Emery Oo Miino Ku Tuuray PSG & Dareenka Dhabta Ah Ee

Macalinkii hore ee kooxaha Valencia, Sevilla, Paris Saint-Germain iyo Arsenal ee Unai Emery haatana gadh-wadeenka ka ah dhinaca Villarreal ayaa shaaca ka qaaday nooca dareen ee uu Kylian Mbappe oo uu macalin usoo noqday u qabo dhinaca Real Madrid.

Unai ayaa si weyn ugu soo raaxaystay kooxda Sevilla, sidoo kale Paris ayuu koobab badan oo gudaha France ah la qaaday balse halka uu madax-xanuunka kasoo qaaday ayaa ahayd Arsenal oo uu heerkii laga filayay gaadhsiin waayay.

Haatan markale Emery ayaa ku noqday carriga dalkiisa Spain iyo waliba horyaalka La Liga isaga oo la wareegay jagada tababarenimo ee kooxda lagu naanayso Yellow Submarine.

Emery oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay shabakadda Marca ayay qaybta ugu xiisaha badan lehi tahay inuu banaanka keenay jacaylka uu Kylian Mbappe u qabo inuu ku biiro Real Madrid.

Unai ayaa sheegay inuu Kylian si weyn uga fikirayay dhinaca Real Madrid balse uu la hadlay isaga iyo aabihii si uu ugu qanciyo inuu baaqi kusii ahaado Paris Saint-Germain.

“Markii aan joogay Paris Mbappe waxa uu si dhab ah uga fikirayay inuu tago Real Madrid sababtoo ah isagu inbadan ayuu iyaga jecel yahay, waxa uu ahaa mid aad ugu riyaaqsan inuu Madrid u ciyaaro” ayuu yidhi Unai oo arrimahaas ka hadlaya.

“Anigu maan doonayn inuu isagu tago wadahadalo ayaanan la yeeshay isaga iyo aabihii si aan ugu qanciyo inay tahay inuu joogo, in laga tago PSG maaha wax sahlan”

Mbappe ayaa ahaa mid mudo dheer lala xidhiidhinayay dhinaca Los Blancos, kooxda tababare Zinadine Zidane oo aan suuqii dhawaa wax saxeex ah samayn ayaa la filayaa inay bar-tilmaameedkeeda koowaad ka dhigan doonto 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More