Waa Halkee Booska Uusan Jack Grealish Hore Uga Ciyaarin Ee Uu Pep

Kooxda kusoo guuleysatay Premier League ee Manchester City ayaa kalsooni ku qabta inay Jack Grealish suuqa xagaagan kala wareegi doonto Man City waxaana intaas dheer in tababare Pep Guardiola uu boos cusub ka ciyaarsiin doono sida wargeyska The Athletic sheegayo.

Grealish ayaa kooxda uu kabtanka u yahay ee Aston Villa oo ah kooxda uu tan iyo carruurnimadiisii soo joogay uga soo ciyaarayay garabka bidix balse Guardiola ayaa qaba aragti taas ka duwan.

Doorka labaad ee uu Grealish ka ciyaari karo ayaa ah No.10 balse aragtida tababare Guardiola ayaa ah inuu No,8 ahaan u ciyaarsiiyo haddii uu la saxeexdo.

50 sano jirkaas hore tababaraha ugu soo noqday Barcelona iyo Bayern Munich ayaa doonaya inuu isku bed-bedelo Grealish iyo Ilkay Gundogan marka ay khadka dhexe noqoto.

Gundogan ayaa ahaa mid wacdarro kusoo dhigay Man City xilli ciyaareedkii hore balse kooxda ayaa wali doonaysa saxeexa ciyaaryahan doorkiisa ciyaari kara.

Aston Villa ayay ka go’antahay inay 100 Milyan oo pound ugu yaraan ku iibiso Grealish waana rekoodhka xiddiga ugu qaalisan ee British ah ee lacagtaas laga bixiyo haddiiba heshiisku dhaco.

Laakiin Sky Blues ayaa qaba aragtida ah inay hoos usoo dhigi karaan qiimahaas haddii ay gorgortan galaan, wargeyska Mail ayaa xusaya in City ay kalsooni ku qabto inay toddobaadyada soo socda dhammaystiri karto saxeexa 25 sano jirkaas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More