Waa Kuma Labadii Xiddig Ee Manchester United Ee Uu Aadka U Necbaa

5

Rafael da Silva ayaa sheegay in Steven Gerrard uu aad u necbaa isaga iyo walaalkiis ay mataanaha yihiin Fabio da Silva markii ay labada xiddig joogeen Manchester United.

31 jirkaa reer Brazil ee ka ciyaara daafaca midig ayaa Old Trafford tagay sannadkii 2008, wuxuu lix sannadood ku qaatay Man United ka hor inta uusan u saxiixin kooxda Lyon sannadkii 2015.

Rafael ayaa 170 kulan u saftay Red Devils isagoo la qaaday seddex koob oo Premier League ah iyo hal League Cup.

Fabio oo isna United tagay waqti la mid ah waqtigii Rafael ayaa isna lix sannadood ku qaatay Old Trafford isagoo ku guuleystay hal koob oo Premier League ah.

Rafael ayaa haatan sheegay in halyeeyga Man United Wayne Rooney inuu u sheegay in Steven Gerrard uu aad u necbaa isaga iyo walaalkiis.

Daaficii hore ee Manchester United ayaa sheegay inaysan waligood waxba ku sameynin halyeeyga Liverpool laakiin uu aaminsan yahay sababtii uu u necbaa inay aheyd inay xirnaayeen maaliyad kale oo casaan ah.

Rafael ayaa u sheegay The Athletic: “Wayne Rooney ayaa inoo sheegay in Steven Gerrard uu aad inoo necbaa.

“Wuxuu inoo sheegay inuu Gerrard ku yiri iyagoo isla jooga xulka England, inuu aad inoo neceb yahay.

“Marnaba wax xun kuma aynan sameynin isaga laakiin waxaan xirneyn maaliyad casaan ah oo tiisa ka duwan. Malaha taas ayaa keentay naceybka.

“Haddii aan daacad u hadlo, waan fahamsanahay wuxuu kala jeeday. Dareen la mid ah ayaana u heynaa.”

Rafael ayaa u dheelay Lyon muddo shan xilli ciyaareed ah ka hor inta uusan u saxiixin kooxda Istanbul Basaksehir oo uu joogo tan iyo sannadkii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More