Waa Kuma Xiddiga Kale Ee Ka Tegaya Barcelona Maalmaha Soo Socda,

Barcelona ayaa wali ku jirta qorshihii ay ku dhimi lahayd kharashaadkeeda iyadoo dareerinaysa ciyaartoydeeda aan muhiimadda badan u lahay.

Intii uu suuqu furnaa ayay Barcelona iibisay Carles Alena, Junior Firpo, Konrad de la Fuente, Jean-Clair Todibo, Trincao iyo kuwo kale, laakiin wali fari kama qodna, waxaanay u baahan yihiin inay meesha ka saaraan ciyaartoyda waaweyn qaarkood, si ay u gaadhi karaan xaddiga mushahar ee loo ogol yahay in aanay ka badan karin xilli ciyaareedkan.

Kaddib markii ay xaqiijisay in Lionel Messi uu sii joogayo, Barcelona ayaa wada-hadallo la furtay kooxda Famalicao oo ay amaah ku siinayso amaba ka iibinayso ciyaartoygii ugu gool-dhalinta badnaa da’yarta xilli ciyaareedkii tegay ee Rey Manaj.

Sida uu qoray wargeyska A Bola, Rey Manaj ayay Barcelona ku bixinaysaa amaah ama iib midkii suurtogal u noqda, waxa se ka go’an in aanu sii joogin xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska weeraryahankani kula jiro Barcelona ayaa soconaya illaa sannadka 2023ka, waxaase uu u muuqdaa in aanu ku jirin qorshaha tababare Ronald Koeman, taas oo keentay in go’aan lagu gaadho in aanu kooxda sii joogin xilli ciyaareedkan.

24 jirkan ayay Barcelona 2 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Albacete bilowga sannadkii hore ee 2020.

Waxa uu hore ugu soo qaatay waqti kooxaha Inter Milan, Pescara iyo Granada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More