Waa Kuma Xiddiga Kale Ee Real Madrid Ka Tirsan Ee Man United Loosoo

0

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dhigeeda Real Madrid usoo bandhigtay saxeexa da’yarka Vinicius Junior intii ay socdeen wadahadala ay labada kooxood ku kala doonayaan Raphael Varane.

Real Madrid ayaa doonaysa inay iska iibiso Vinicius si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxeexa Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa xiddiga French-ka ah ka dhigtay bar-tilmaameedkiisa koowaad ee xagaagan xilli ay doonayaan inay dib ugu guuleystaan horyaalka La Liga oo ay sanadkan u waayeen kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Atletico Madrid.

Si kastaba, si ay u helaan lacagaha ay ugu dhaqaaqi lahaayeen Varane, Madrid ayaa doonaysa inay iibiso ciyaaryahano waxaana kamid ah Varane.

Intaas waxa dheer sida uu sheegayo wargeyska Mirror in Los Blancos ay saxeexa Vinicius sidoo kale miiska u saartay Red Devils.

Real ayaa ugu yaraan lacag 68.5 Milyan pound ah ku doonaysa iibka 21 sano jirkaas oo saddexdii sano ee ugu dambeeyay kusoo qaatay kooxdeeda.

Warbixinta ayaa sheegaysa in United ay xiisaynayso saxeexa Vinicius balse saxeexyada Jadon Sancho iyo Varane ayaa ka dhigan inay doonayaan inay xilli ciyaareedka soo socda amaah ku qaataan kaddib si rasmi ah u iibsadaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More