Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ka Tirsan Ee Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhawdahay inay shaaciso saxeexa da’yarka Liverpool ee Ethan Ennis, 16 sano jirkaas ayaa ah mid mudo dheer loo arkayay xiddigaha ku jirta kuliyada da’yarta Reds kuwooda ugu fiican.

Ennis ayaa ah khad dhexe waxaana uu awooday in isaga oo da’ ahaan yar haddana tayadiisu ay ka caawiso in looga waco kooxda 18 sano jirada ee Liverpool.

Ethan Ennis ayaa noqday mid isku muujiyay horyaalka 18 sano jirada iyo FA Cup-ka isaga oo siddeed kulan oo uu usoo ciyaaray kusoo dhaliyay shal gool halka uu mid kale caawiye ka ahaa.

Bishii hore ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu 16 sano jirkaasi muujiyay sida uu uga baxayo Reds isaga oo u muuqday mid ku sugan xerada da’yarta kooxda Chelsea.

Xaalada ayaa sidii hore iska bedeshay, Ethan ayaa u muuqda mid sidoo kale dhabarka u jeediyay Blues balse ka degaya kooxda kale ee ay kooxdiisa xifaaltamaan ee Manchester United.

Sida lagu sheegay shabakadda Stretty News, Ethan Ennis ayaa la filayaa inuu toddobaadyada soo socda noqdo ciyaaryahan Man United ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More