“Waa Kuma Xiddiga Uu Klopp Ugu Jecel Yahay? Adiga Iyo Matip Kee Qurux

Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa banaanka keenay xogo aan laga ogayn qolka labiska kooxdiisa sida ciyaaryahanka uu ugu jecel yahay tababare Jurgen Klopp iyo isaga oo ku maadsaday saaxiibkiisa daafaca ee Joel Matip.

Xiddiga boosaska badan ka dheeli kara ayaa haatan qaadanaya fasaxiisa xagaaga kaddib markii xulkiisa Brazil lagaga guuleystay Final-kii Copa America.

Fabinho oo cadceedsanaya isla markaana dhinac jiifa barkad uu wakhti ku qaadanayay ayaa bartiisa Instagram kaga codsaday shaqsiyaadka ku xidhan inay su’aalo weydiiyaan si uu uga jawaabo.

Iyadoo la weydiiyay ciyaaryahanka ah midka ah dookha tababare Klopp marka laga hadlayo gudaha safka kooxda ayuu Fabinho ku jawaabay “VVD” isaga oo tilmaamaya daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk.

Van Dijk ayaa wali kasoo kabanaya dhaawac halis ah oo jilibka ka gaadhay xilli ciyaareedkii hore, saamayntii dhaawaca daafaca Dutch-ka ahi ay kooxda ku yeelatay ayaa caddayn ugu filan sababta uu Klopp u jecel yahay.

Fabinho oo la weydiiyay taakada (Tackle) uu ugu jecel yahay ee uu soo sameeyay waayihiisa ciyaareed ayaa doortay midii uu Luis Suarez ku qabtay afar dhammaadkii Champions League 2018-19.

Fab ayaa u muuqda mid weli ka cadhaysan inuu kaadh jaale ah ku qaatay taakadaas waxaana uu sawirka soo raaciyay qoraal ah “Kaliya kubadda ayaan taabtay garsoore”

Markale iyadoo la weydiiyay midka dheereeya isaga iyo daafaca kooxdiisa ee Matip ayuu ku jawaabay Fabinho “Dabcan waa aniga”

Markale waxa si kaftan ah loo weydiiyay midka qurux badan isaga iyo Matip waxaana uu iska soo qaaday sawir isla goobta uu ku cad-ceedsanayay ah isaga oo kusoo qoray “Miyay dhab ahaan waajib tahay inaan su’aashan ka jawaabo?”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More