Waa Kuwee Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Premier League, Kaddib

Kevin De Bruyne  ayaa heshiis cusub u saxeexay Manchester United toddobaadkan, waxaanu laba sannadood kusii kordhiyey qandaraaskiisii hore, isagoo Etihad Stadium joogi doona illaa laga gaadhayo sannadka 2025ka.

Heshiiskan cusub ayaa si weyn sare ugu qaaday mushaharka uu laacibkani ka qaadanayo kooxdiisa Manchester City ee afarta sannadood ee soo socota, iyadoo uu noqonayo laacibka ugu mushaharka badan guud ahaan horyaalka Premier League.

Tababare Pep Guardiola ayaa ka shaqeeyey sidii uu Kevin De Bruyne ugu sii negaan lahaa Etihad Stadium xilli lala xidhiidhinayay in uu baxayo, taas oo tababarahan siinaysa damaanad uu sannado kale kula sii shaqeeyo xiddiga haysta abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Premier League.

De Bruyne oo xilli ciyaareedkan dhaliyey shan gool, kuna daray 11 caawimood 24 kulan oo Premier League ah oo uu dheelay, ayaa waxa Sky Blues uu ka caawiyey in ay hoggaanka horyaalka 14 dhibcood ku hayso xilli ay siddeed ciyaarood oo kali ah ka hadhsan yihiin gunaanadka horyaalka.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku shaacisay, Kevin De Bruyne ayaa kalidii wada-xaajoodka la galay Manchester City, qaybna kama ahayn wakiilkiisu, waxaana uu kasoo xoogsaday malaayiin Gini halka Sky Blues ay u badbaaday lacagtii ay siin lahayd wakiilka laacibkan.

Kaddib heshiiska Kevin De Bruyne  ee Manchester City, waa kuwee tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League?

Xiddiga reer Belgium ee Kevin De Bruyne  ayaa kaalinta koowaad soo galay, isagoo ka cidhiidhsaday goolhayaha Manchester City ee David de Gea oo muddo dheer ahaa laacibka mushaharka ugu badan ka qaata Premier League.

Kevin De Bruyne ayaa mushaharkiisa hadda uu noqonayaa £385,000 Gini toddobaadkii, waxaanu inyar ka sarreeyaa David de Gea oo usbuucii mushahar ahaan u qaata £375,000 Gini.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaalka Premier League:

10. Sergio Aguero, Manchester City, £230,000 Gini – Toddobaadkii

9. Anthony Martial, Manchester United, £250,000 Gini – Toddobaadkii

8. Timo Werner, Chelsea, £270,000 Gini – Toddobaadkii

7. Paul Pogba, Manchester United, £290,000 Gini – Toddobaadkii

6. Raheem Sterling, Manchester City, £300,000 Gini – Toddobaadkii

5. Kai Havertz, Chelsea, £310,000 Gini – Toddobaadkii

4. Gareth Bale, Tottenham (on loan from Real Madrid), £325,000 Gini – Toddobaadkii

3. Pierre-Emerick Aubameyang, Arsenal, £350,000 Gini – Toddobaadkii

2. David De Gea, Manchester United, £375,000 Gini – Toddobaadkii

1. Kevin De Bruyne, Manchester City, £385,000 Gini – Toddobaadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More