Waa Tuma Kooxda Ingariiska Ee Maaliyad Bac Ka Sameysan Ku Ciyaareysa

Kooxda ka dhisan gobolka North Yorkshire ee dalka Ingariiska ayaa noqotay kooxdiisa ugu horeysay ee si rasmi ah u soo bandhigta inay ku ciyaarayaan maaliyad ka sameysan bac la iska dhex arkayo.

Kooxda Bedale AFC ayaa ku dheeli doonta maaliyadaan bacda ka sameysan, waana markii ugu horeysay ee ay koox kubada cagta ah ku dheesho maaliyad ceynkaan oo kale ah.

Kooxda ayaase maaliyadaan u adeegsaneysa sabab aad u qiimo badan iyagoo gacan ka geysanaya la dagaalanka cudurka kansarka ee ku dhaca xubinta taranka ragga. Falaaro cad ayaa lagu xardhay maaliyada kuwaasoo tilmaam ka bixinaya goobta uu kansarka kaga dhaco ragga.

Qiimaha maaliyadaan lagu iibinayo oo ay la socdaan buume iyo sigsaan ayaa waxaa lagu iibinayaa 79.99 ginni.

Shan ginni oo ka mid ah lacagta lagu iibiyo maaliyadaan waxaa loogu deeqi doonaa Prostate Cancer Uk. Kooxdaan oo ka ciyaarta horyaalka North Riding League ayaa rajeyneysa inay ku dhawaad 250 kun ginni ugu dabarucdo la dagaalanka kansarka ku dhaca xubinta taranka ragga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More