WAA WAREEY!! Real Madrid Oo Dalab Layaable Ka Gudbisay

Lionel Messi waxa uu halyeyga Barcelona ahaa tan iyo bixitaankii Ronaldinho oo ku wareejiyey lambarkii uu xidhnaa sannadkii 2008, laakiin waxa layaab ah in kooxda ay colaadda weyni ka dhaxayso ee Real Madrid ay isku dayday inay lasoo saxeexato xiddigan oo ay hubaal tahay in Barca aanay gaadheen guulaha faraha badan ee intii uu isagu u ciyaarayay ay gaadhay.

Macquul ulama muuqanayso qof kasta oo maqla in Real Madrid ay dalab ka gudbisay Lionel Messi, laakiin sannadkii 2013kii ayay Real Madrid isku dayday inay lasoo saxeexato Lionel Messi. Madaxweyne Florentino Perez ayaa qorshihiisa ku darsaday Lionel Messi sannadkaas.

Wariyaha Talyaaniga ah ee wararka suuqa looga dambeeyo ee Gianluca Di Marzio ayaa ogaaday in Real Madrid ay dalab ka gudbisay Messi ka hor intii aanay u bilaabannin sannadaha guulaha waaweyn ay ka gaadhayeen tartanka Champions League.

Los Blancos ayaa doonaysay inay garoonkeeda Santiago Bernabeu iskugu geyso Messi iyo Cristiano Ronaldo, sida uu Gianluca Di Marzio sheegay.

“Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sannadkii 2013 soo bandhigay dalab 250 milyan oo Euro ah oo uu gudbiyey xiddiga reer Argentina.” Sidaa waxa uu Di Marzio ku yidhi buuggiisa ‘Grand Hotel Calciomercato’ oo dhowaan la daabacay.

“Lacagtan waxa asal ahaanteeda loogu talo-galay in dibu-dhis loogu sameeyo garoonka Santiago Bernabeu” Ayuu Gianluca Di Marzio ku daray qaybta uu buuggiisa kaga hadlayo dalabkan layaabka lahaa.

“Si kastaba, jawaabta Messi ayaa ahayd mid caddaan ah, waxaanu ku yidhi ‘anigu ma tegayo Real Madrid, waqtiga ayaad iska luminaysaan’.” Ayuu Gianluca Di Marzio  ku daray.

Dalabkan ayaa markii ugu horreysay lagu ogaaday Sirihii kubadda cagta ‘Football Leaks’ ee sannadkii 2018 lagu kashifay waxyaabo badan oo kubadda cagta ka dhacay, waxaana mar kale bannaanka keenay Gianluca Di Marzio  oo xataa raaciyey hadalladii uu Messi ugu jawaabay Real Madrid.

Lionel Messi ayaa ugu dambayntii xagaagii dhowaa waxa uu isku dayay inuu ka tago Barcelona isagoo warkiisana u caddeeyey kooxda, laakiin muran ka dhashay heshiiskiisa oo uu isagu rumaysnaa inuu u ogol yahay inuu bilaash ku baxo ayaa waxay keentay inuu sannad kale sii joogo.

Kabtanka Barcelona ayaa xagaaga soo socda xor u noqon doona inuu ku biiro kooxda uu doono marka uu dhamaado heshiiskiisu, waxaana lala xidhiidhinayaa Manchester City oo uu uga gacan haadinayo Pep Guardiola.

Si kastaba, lama filaan ayay tahay in la maqlo in Real Madrid ay isku daydo inay lasoo saxeexato Lionel Messi oo ah calaamadda Barcelona, iyadoo horena loo ogaa cadaawaddii ka dhalatay markii ay sannadkii 2000 kala soo wareegtay Luis Figo oo waqtigaas ahaa xiddiga adduunka, una ciyaarayay Barcelona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More