Waakan Xiddiga La Ilaaway Inuu Xataa Ciyaartoy Chelsea Ah Yahay Ee

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Danny Drinkwater oo kamida xiddigaha kooxdaas ee la ilaaway ayaa muujiyay inuu wali wax kusoo kordhin karo kooxda kaddib wacdarro uu dhigay kulankii saaxiibtinimo ee Bournemouth.

31 sano jirkaas oo horyaalka Premier League kula soo guuleystay Leicester City ayaa awoodi waayay inuu wax saamayn ah ku yeesho Chelsea.

Tan iyo markii uu Chelsea kusoo biiray September 2017, Drinkwater ayaa kaliya 23 kulan usoo ciyaaray Blues, wakhtiga uu joogay kooxda ree London ayuu saddex jeer amaah ugu kala biiray Burnley, Aston Villa iyo kooxda ree Turkey ee Kasimpasa.

Laakiin haatan Chelsea ayuu kusoo laabtay wuxuuna filayaa inuu saamayn ku yeesho xulashada tababare Thomas Tuchel xilli ciyaareedka dambe.

Danny ayaa qaab fiican ku bilawday haatan isku diyaarinta xilli ciyaareedka isaga oo kasoo dhalaalay kulankii Bournemouth ee ka dhacay Vitality Stadium.

Drinkwater ayaa soo muujiyay awood cajiib ah marka ay noqoto dhinaca baaska isaga oo awooday inuu xakameeyo ciyaarta gaar ahaan khadka dhexe.

Si kastaba, marka laga yimaado ciyaartaas fiican ee uu soo muujiyay, 31 sano jirkaas ayaa tartan adag oo khadka dhexe ah wajahaya.

Tuchel ayaa dhexda kooxdiisa ku haysta xiddigaha kala ah Mateo Kovacic, Jorginho, N’Golo Kante iyo Mason Mount.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More