Wararka SUUQA: Juventus Oo Ronaldo Heshiis Yaab Leh Ku Diraysa,

Manchester United khadkeeda dhexe ee Paul Pogba ayaa bar-tilmaameed u ah Paris Saint-Germain, kooxdaas ayaa bilawday inay iibiso ciyaartoy si ay u hesho lacag ay Pogba oo ay 50 Milyan oo euro ku qiimaynayaan u heli karaan. (Mirror)

United ayaysan wali PSG wax xidhiidh ah kala samayn suurogalnimada ay kagala wareegi karto Pogba oo 28 sano jir ah. (Manchester Evening News)

Raphael Varane ayaa doonaya in heshiiska uu Real Madrid kaga tagayo ee uu Man United ugu biirayo la dhammaystiro maalmaha soo socda. (AS – in Spanish)

Gareth Bale ayaa lala xidhiidhinayaa horyaalka Maraykanka ee MLS balse 32 sano jirkaas ayaa doonaya inuu dhammaysto sanadka uga hadhsan heshiiskiisa Real Madrid. (AS, via Mirror)

PSG ayaa ilaa sagaal ciyaaryahan iibin karta si ay Kylian Mbappe ugu bandhigto heshiis uu la mushahar noqonayo Neymar, Paris ayaa doonaysa inay heshiis cusub ka saxeexato 22 sano jirkaas. (L’Equipe, via Marca)

Barcelona ayaa dhinaceeda aad iskugu dayaysa inay iibiso xiddigaha kooxdeeda si ay u awoodo inay maalgeliso heshiiska cusub ee ay Messi ka saxeexanayso kahor xilli ciyaareedka cusub. (Guardian)

Arsenal ayaa dalab 34 Milyan oo pound ah ka gudbisay 23 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Sassuolo ee Manuel Locatelli. (Sky Italy, via London Evening Standard)

Gunners ayaa sidoo kale rajaynaya inay Leicester City siiyaan xiddigaheeda qaar oo uu kamid yahay Reiss Nelson oo 21 sano jir ah si ay uga hesho James Maddison oo 24 sano jir ah. (Mail)

Arsenal ayaa kor u qaadaysa doonisteeda goolhayaha Barcelona ee Neto oo 31 sano jir ah. (Mundo Deportivo, via Sun)

Chelsea ayay macquul tahay inay hayso dalab £135 Milyan ah oo ay ku doonayso Erling Haaland. (ESPN, via 90 min)

Callum Hudson-Odoi ayaa lala xidhiidhinayay inuu Chelsea ka tagayo balse u muuqda mid joogaya Stamford Bridge. (Athletic – subscription required)

Tottenham ayaa ku dhaw inay Sevilla kala heshiiso 20 sano jirka garabka weerar ee Bryan Gil iyadoo Eric Lamela uu dhinaca Sevilla tagayo. (Sky Sports)

Spurs ayaa sidoo kale lacag dheeri ah oo ah 25 Milyan oo euro oo lagu daray gunnooyin qaab ciyaareedka ku xidhan ka bixinaya Bryan Gil (Guardian)

Manchester United ayaa u furan inay laba saxeex oo kale oo waaweyn samayso kahor xidhitaanka suuqa oo lix toddobaad ka hadheen, daafaca Atletico Madrid ee Kieran Trippier ayaa kamida bar-tilmaameedyadooda ugu sarreeya. (Manchester Evening News)

United ayaa wali xiisaynaysa Kieran Trippier walow ay kooxdiisa Atletico Madrid ku doonayso lacag 18 Milyan oo pound ka badan. (TalkSport)

Juventus ayaa tixgelinaysa heshiis ciyaartoy is-dhaafsi oo layaab leh oo ay PSG ugu dirayso Cristiano Ronaldo iyaga oo kaga soo bedelanaya weeraryahan Mauro Icardi. (L’Equipe via Star)

Juventus ayaa iibka daafaceeda ree Turkey ee Merih Demiral ku xidhay 35 Milyan oo pound xilli lala xidhiidhinayay Everton. (Goal)

Leeds ayaa ugu cad cad saxeexa 18 sano jirka Chelsea ee Lewis Bate. (Mail)

Bayer Leverkusen 25 sano jirkeeda Demarai Gray ayaa tijaabada caafimaadka shalay u maray Everton. (Sky Sports)

Chelsea ayaa goolhayaha dookha saddexaad ee kooxdeeda u doonaysa Marcus Bettinelli oo hore Fulham ugu soo ciyaaray. (Telegraph)

Aston Villa ayaa sidoo kale xiisaynaysa Marcus Bettinelli si uu tartan ula galo Emiliano Martinez iyo Jed Steer. (Mail)

Manchester City ayaan wali go’aan ka gaadhin haddiiba ay xagaagan amaah ku dirayso 18 sano jirkeeda weeraryahanka ah ee Liam Delap oo ay Preston North End xiisaynayso (Manchester Evening News)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More