Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Arbaca Ah Ay

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Arbaca ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Tottenham iyo Everton ayaa ku dagaallamaya saxeexa weeraryahanka reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha. 28 jirkan ayaa la sheegay Crystal Palace ay ku iibinayso £40 milyan oo Gini. (Goal)

Tababaraha Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League, gaar ahaan kooxdiisii hore ee Tottenham. (Sun)

Sidaas oo ay tahay, Spurs waxay wada-hadallo kula  jirtaa tababaraha xulka qaranka Blegium ee Roberto Martinez oo hore usoo layliyey Everton iyo Wigan. 47 jirkan ayay suurtogal tahay inuu ka tago Belgium. (Sky Sports)

Tababaraha Inter Milan ee Antonio Conte oo kooxdaas ku hoggaamiyey horyaalka Serie A, ayaa 48 saacadood kaddib iskaga casilaya Inter Milan. (La Gazzetta dello Sport)

Wolves ayaa diyaar u ah in ay iibiso laacibka khadka dhexe ee reer Portugal ee Ruben Neves oo ay £35 milyan oo Gini siiso, si lacagtaas ay dib u dhis ugu samayso safkeeda kaddib bixitaanka tababare Nuno Espirito Santo. (The Athletic)

Kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Philippe Coutinho oo 28 jir ah, ayaa ka mid ah 10 ciyaartoy oo ay Barcelona soo dhigtay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan. (Star)

Barcelona iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha danaynaya 26 jirka  reer Germany ee khadka  dhexe uga ciyaaraha kooxda Atalanta ee Robin Gosens. (Sport)

Arsenal iyo Aston Villa ayaa dagaal fool ka fool ah waxay ku galayaan saxeexa 24 jirka khadka dhexe uga ciyaara Norwich City ee Emiliano Buendia oo u dhashay Argentina. (Telegraph)

Garabka weerarka Arsenal ee Willian oo 32 jir ah, waxa uu doonayaa in uu dib ugu laabto Chelsea oo uu 12 bilood ka hor ka tegay. Laacibkan ayaa Stamford Bridge  ku qaatay toddoba sannadood. (Sky Sports)

Chelsea waxay doonaysaa in ay iibiso laacibka reer England ee Callum Hudson-Odoi oo 20 jir ah, waxaana lala xidhiidhinayaa Borussia Dortmund. Kooxda reer Germany ee Dortmund ayaa sidoo kale doonaysa weeraryahanka Leeds United ee Raphinha oo 24 jir ah. (Eurosport)

Difaaca kooxda Villarreal ee Pau Torres oo 24 jir ah, ayaa  iska diiday in uu ka hadlo wararka la xidhiidhinaya inuu tegi doono Manchester United xagaagan, xilli ay labada kooxood isku diyaarinayaan finalka Europa League. (Metro)

Manchester United waxay heshiis la gaadhay goolhayaha reer England ee Tom Heaton oo ah 35 jir ka tirsan Aston Villa. Si xor ah  ayuu u imanayaa Old Trafford. (Express).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More