Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyada

Chelsea ayaa doonaysa inay heshiis 50 Milyan oo pound ah kula wareegto weeraryahan Robert Lewandowski xilli ay Bayern Munich doonayso in Lewy kordhiyo heshiiskiisa 2023 dhacaya. (Sun)

Liverpool ayaa ku dhaw inay heshiis cusub oo mudo dheer ah ka saxeexato goolhaye Alisson Becker. (Mirror)

Arsenal ayaa rajaynaysa inay heshiiska 18-ka Milyan ee pound ah ee Albert Sambi Lokonga oo Anderlecht kaga imanaya dhammaystirto kahor Arbacada inta aysan u duulin magaalada Florida. (Mail)

Chelsea khadkeeda dhexe ee Conor Gallagher ayay tahay inuu markale amaah ku baxo xilli ciyaareedkan, Newcastle iyo Crystal Palace ayaa xiisaynaya. (Sun)

Manchester United ayaa la filayaa inay toddobaadkan dalab afka ah ka gudbiso daafaca Real Madrid ee Raphael Varane balse diyaar uma aha inay bixiso lacagta 50-ka Milyan ee pound ah ee lagu qiimaynayo xiddigaas oo hal sano heshiiskiisa ka hadhay. (Daily Mail)

Varane ayaa ah mid aad suuqa looga doonayo, Chelsea ayaa tixgelinaysa inay Man United iyo PSG kula biirto tartankiisa. (Marca – in Spanish)

Manchester United ayaa sidoo kale loosoo bandhigay fursada ay kula saxeexanayso Vinicius oo Real Madrid ka tirsan xilli ay Madrid doonayso samaynta lacagaha ay ugu dhaqaaqayso Kylian Mbappe. (Mirror)

Harry Kane asxaabtiisa xulka England ayaa aaminsan inuu 27 sano jirkaasi diidi karo ka qayb galka tababarka Tottenham ee xilli ciyaareedka kahoreeya si uu u qasbo heshiis uu Man City ugu biiro. (The Telegraph – subscription required)

Tottenham ayaa doonaysa saxeexa 25 sano jirka AS Roma ee Lorenzo Pellegrini walow aysan caddayn haddiiba uu isagu xiisaynayo inuu England u guuro. (Gazzetta dello Sport via Sport Witness)

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa heshiis cusub u saxeexaya Liverpool xilli qandaraaskiisii hore uu dhacayo 2023. (Mirror)

Daafaca bidix ee Man United ee Alex Telles ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa xilli lala xidhiidhinayo kooxaha Inter Milan iyo AS Roma. (Goal)

Romelu Lukaku wakiilkiisa Federico Pastorello ayaa u xaqiijiyay jamaahiirta Inter Milan in 28 sano jirkaasi uusan kooxda ka tagi doonin walow ay dhaqaale ahaan meel xun marayso Inter. (FCInterNews – in Italian)

Mauro Icardi ayaa u furan inuu xagaagan PSG ka tago kuna biiro Juventus, 28 sano jirkaas ayaa toddoba sano Inter Milan kusoo qaatay kahor inta uusan Paris ku biirin 2019. (Footmercato – in French)

Juventus ayaa sidoo kale xiisaynaysa inay Barcelona dib ugala wareegto Miralem Pjanic kaas oo fursad ciyaareed fiican aan ka helin kooxda tan iyo 2020 markii uu ku biiray. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Liverpool ayay tahay inay deg-deg u hawl-gasho si ay Borussia Dortmund ugu garaacdo saxeexa 22 sano jirka kooxda PSV ee Donyell Malen, Klopp ayaa u baahan inuu iibiyo xiddigaha aan muhiimka u ahayn si uu Malen ula soo saxeexdo. (Daily Express)

Goolhaye Asmir Begovic oo 34 sano jir ah ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka isaga oo Everton si rasmi ah ugu biiraya (Talksport)

Barcelona da’yarkeeda khadka dhexe ee Puig ayaa diiday dalabaad dhawr ah iyadoo ay ka go’antahay inuu joogo oo uu dhacsado booskiisa. (Sport – in Spanish)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More