WARBIXIN: Barcelona Oo TOBBAN Xiddig Xaraashaysa Suuqa Xagaaga

Madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa lagu soo warramayaa inuu ilaa tobban ciyaaryahan kooxdaasi ka diri karo suuqa xagaaga sanadkan.

Kooxda tababare Ronald Koeman tababaraha ka yahay ayaa la filayaa inay isbedel weyn ku samayso safkeeda xagaaga kaddib markii ay booska saddexaad kaga dhammaysatay miiska kala sarreynta La Liga isla markaana wareega 16-ka kaga hadheen Champions League.

Waxaa la filayaa in xiddigo kooxda ah oo la iibiyaa ay ka caawin doonto kooxdu inay dhaqaale ahaan awood u yeelan doonto inay suuqa gasho.

Hal ciyaaryahan oo aysan ugu horreynba Barcelona doonayn inay weydo ayaa ah Lionel Messi walow heshiiskiisa kooxdu dhacayo xagaaga sanadkan si adagna loola xidhiidhinayo Man City iyo PSG.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barcelona ayaa ku rajo weyn in Messi heshiis cusub saxeexi doono taas oo u ogolaan karta inay bedelkiisa iibiyaan Antoine Greizmann.

Sport ayaa sheegay in Barcelona ay lacag fiican ka samayn doonto isla markaana si weyn u dhimi doonto mushaharaadka ay bixiso haddii ay xagaaga iska dirto Philippe Coutinho iyo Greizmann.

Marka laga yimaado Messi, hal ciyaaryahan oo kale oo ay kooxdaasi doonayso inay haysato ayaa ah Ousmane Dembele kaas oo heshiiskiisa haddu dhacayo 2022.

Xiddigaha kale ee la filayo inay seefta madaxweyne Laporta qaado ayaa ah Miralem Pjanic, Martin Braithwaite, Junior Firpo iyo goolhaye Neto si lamid ah daafaca dhexe ee Samuel Umtiti.

Matheus Fernandes ayaa ah ciyaaryahan kale oo ay Barca iibin doonto halka da’yarka Riqui Puig oo kasoo baxay akaademiga kooxda qaab amaah ah lagu diri karo.

Xataa xiddigaha miisaanka weyn ku leh gudaha Barca ee Gerard Pique, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Sergi Roberto oo dhammaantood ah kabtanada ku xiga Messi ayaa la heli karaa haddii qiime sax ah lagu dalbado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More